Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo si qarsoodi ah ula soo xidhiidhay Jamaal Cali Xuseen kana dalbaday

0
352

Hargeysa (Ceelgardinews.com )-Gudoomiyaha xisbiga UCID- Faysal Cali Waraabe ayaa shalay ergo culus u soo dirsaday garabka ay iska soo hor jeedaan ee xisbiga UCID- ee uu hogaamiye musharaxa xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen, Faysal Cali Waraabe ayaa ka codsaday Jamaal Cali Xuseen in ay kulan khaasa ay wada yeeshaan oo ay ka wada hadlaan arimaha ay isku hayaan arimaha xisbiga iyo sidii dibada loogu soo saari lahaa dacwada xisbiga ee gashay maxkmada.

Faysal Cali Waraabe oo kulamada noocani ah diidanaa markii hore ayaa hada si deg deg ah isu soo rogay kadib markii ay arintoodu gashay maxkmada oo uu dareemay in uu sharciyan khalad weyn galay lagana yaabo in maxkmadu ay xukun aan ka farxin ku rido dacwada hor taala maxkmada ee ay iskula jiraan Faysal iyo Jamaal.

Garabka Jamaal Cali Xuseen oo kulan deg deg ah ka yeeshay fariinta uga timi gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ku gacan saydhay kana diiday in ay haba yaraatee wax kulan ah la yeeshaan kuna booriyay in uu u hogaansanaado shuruucda dalka oo uu iska daayo mad madowga iyo khiyaamada uu mar walba ku kacaayo, waxna uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe arinataasi kala kulmay waji gabax iyo ceeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here