gudoomiye maxamed ibrahim adan (qabyatire) markii xilka loo soo magacaabay . ayaa rer burco waxay ka aamin sanaayeen in noqon doono gudoomiye jilicsan

0
345

GUDOOMIYE :MAXAMED IBRAAHIM ADAN (QABYO TIRE)
gudoomiye maxamed ibrahim adan (qabyatire)
markii xilka loo soo magacaabay .
ayaa rer burco waxay ka aamin sanaayeen in noqon doono gudoomiye jilicsan oo aan waxba dhaamin gudoomiyayaashii soo maray gobolka ama uu ka sii liidan doono rer burco waxay aamin sanaayeen in uu yahay gudoomiye aan aan marnaba wax qabad loo filan .

se riyadii ama afkaatii ay aaminsanaayeen rer togdheer way is badashay oo waxay is ku badashay in uu noqday gudoomiye qabo halyay loo soo diray gobolka togdheer kuna sifoobay wax qabad daacad nimo iyo cadaalad geesinmo .
halka markii hore lagu naanaysi jiray( qabo) hada waxaa lagu naanaysaa (qabyo tire)

gudoomiyayaashii hore waxay caan ku ahaayeen inay ku shaqeeyaan hab qabyaaladeed lkn waxaad mooda ama muuqataba in gudoomiye qabyatire uu badalay sytemka qabyaaladed meeshana uu ka saaray si simana uu ugu shaqeeyo umada gobolka.
———————————————————————.
waxaa uu caan ku noqday gudoomiye( qabyatire) geesinimo waxaa uu u badheedhay isaga oo badhasaab ah oo aanu soo gelin dakhli ku filan in uu dhagax dhigo gurigii lagaga dhawaaqay somaliland oo aynu wada ogsoonahay inay afartii dawladood ee soo maray wadanka ay dhisikariwaayeen ama awood u yeelan waayeen .
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
run ahaantii waxaad arkaysaa markaad soo gasho xarunta looga taliyo gobolka togdheer boqolaal ka mid ah dadka ku nool gobolkan togdher waxaanad arkaysaa shaqadii oo si habsami ah u socota waxaad mararka qar aanad jaanis aad ugu gasho aanad u helaynba mashquul awgeed .
*************************************************************
gudoomiye (qabyo tire) waxaa uu kaga duwanyahay gudoomiyayaashii hore ee soo maray gobolka togdheer wakhtiga shaqada waxaa caado u ahayd madaxdii ka horaysay inay xafiiska faaruqiyaan markay saacadu gaadho 11:00 duhurnimo halka uu gudoomiyahan hada shaqada hayaa uu ka rawaxo xafiiska ilaa uu qofka u danbeeyaa uu u dhameeyo hawsha uu u socdo waxaana uu shaqada ka rawaxaa 2:00 duhurnimo
—————————————————————————
waxaynu lawada soconaa in xaaladii ka dhacday balidhiig ee calnka lagu gubay in uu ku baxay oo uu waliba kaxeeyay guutooyin ka mid ah milatariga somaliland dhamaana ku soo wareegay xuduudka somaliland waxayna ka midtahay geesinimada awooda in uu tusay inay somaliland si hawlyar xuduudkeeda loogu soo gudbi karin.
*********************************************************************
waxaan markhaati ka ahay sida uu uga xumaaday xasuuqi ka dhacay degmada jaamac dubad ilaa maalintiii xasuuqaasi dhacay waxaa uu khadka taleefanka kula xidhidhaayay gudoomiyaha dhagax buur waxaana uu u sheegay inay shacabkaa la xasuuqay ay yihiin shacab ka dhaxeeya labada wadan waxaana uu u sheegay in arinkaa si degdeg ah wax loga qabto
————————————————————————–
aniga oo ka mid ah bulshada ku dhaqan degmada burco waxaan u qirayaa in uu yahay gudoomiye ay u baahnayd togdheer waxaana u qirayaa in uu yahay shakhsi daacad ah oo aan aqoon qof jeclaysi
runtiina way mudantahay in qofkii wax wanaagsan qabta loo qiro in uu yahay shakhsi wanaasgan .
BY: DEEQSAMADOON
.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here