Gudoomiye Muuse Biixi Oo Magacaabey Gudoomiye Ku Xigeenka Saddexaad Ee Xisbiga Kulmiye , Yaa Loo Magaacbey .

0
282

Hargeysa ( Ceelgardinews.com ):-Gudoomiye Muuse Biixi ayaa waxaa uu maanta magaacabey gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbigaas

Og: Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE = Hargeysa

Og: Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE = Hargeysa

Og: Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud = Hargeysa

Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka 3-aad ee Xisbiga KULMIYE

Kadib markaan arkay xilka Guddoomiye-ku- xigeenka Saddexaad ee xisbiga KULMIYE ee bannaannaaday ansixintii Shirweynihii 3-aad ee xisbiga KULMIYE kadib.

Kadib markii aan la tashi la sameeyey xubnaha Hoggaanka xisbiga iyo cidda kale ee ay khusayso.

Kadib markaan arkay muhiimadda buuxinta xilka Guddoomiye-ku- xigeenimo ee bannaani u leedahay waqti xaadirkan habsami-u- socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay:

– In Xuseen Aadan Cadde – Laga bilaabo maanta, January 15 th , 2017, uu ahaado Guddoomiye-ku- xigeenka saddexaad (3-aad) ee xisbiga KULMIYE.

Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Mudane Xuseen Aadan Cadde ku asturo xilka iyo masuuliyadda culayskeeda leh ee uu u qaaday dhammaan bah-weynta xisbiga KULMIYE.

NB: Magacaabista xilka Guddoomiye-ku- xigeenimo ee kor ku xusan waxa ay dhaqangali doontaa ansixinta shirka Golaha Dhexe ee ugu horeeya kadib. Xil gudasho wacan.