Gudoomiyihii hore ee gobolka Awdal Muxumed Xasan Jaamac Xodey oo ka hadley munaasibad uu xilka ku wareejinayay

0
129
Gudoomiyihii hore ee gobolka Awdal Muxumed Xasan Jaamac Xodey oo ka hadley munaasibad uu xilka ku wareejinayay ayaa ku dheeraaday qorsheyaasha ay ka fuliyeen gobolka Awdal intii uu xafiiska joogay.
Gudoomiye Xodey ayaa sidoo kale tilmaamay in ay qorshaynayeen in Boorama noqoto meelaha ugu quxurda badan Geeska Afrika iyo guud ahaan Somaliland balse aanay u suurtagelin, waxa uu intaasi ku daray in xaalad culus ay gobolka ka dhacday, isla markaana uu isagu madaxwaynaha ka codsatay in qof kale xafiiska la keeno.
Wuxu yidhi “Hamiga iyo Qorshahaygu wuxu ahaa mudada aan joogno wax la taaban karo in aan reer Awdal kaga tagno”.