guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye

0
28
Hargaysa-March-23-2024-Agaasimaha
guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye: Ayaa ka qayb-galay munaasibad lagusoo dhawaynayay shaqaalaha shaqo-qaran ee kusoo biiray Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee dufcadii 4aad.
Munaasibadan oo ka qabsoontay Xafiiska Isuduwaha caafimaadka ee gobolka Maroodijeex oo ujeedkeedu ahaa, sidii loogu soo dhawayn lahaa sidoo kalana tababar la xidhiidha xuquuqdooda shaqo ee qaranku ku leeyahay iyo xuquuqda ay iyagu ku leeyihiin qaranka loo siin lahaa, Shaqaalaha shaqo-qaran ee ka ka hawlgeli doonaa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gobolka Maroodi-jeex, Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha ee Wasaaradda oo Madasha hadalo dhiirigelin iyo soo dhawayn ah ka jeediyay ayaa shaqaalaha cusub la wadaagay in ka masuuliyiin ahaan, ay aad usoo dhawaynayaan dhalinyaraddan aqoonta leh, sidoo kalana ka rajaynayaan inay qaybweyn ka qaataan dadaladay iyo shaqooyinka ka socda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye oo si balaadhan usoo dhaweeyay dhalinyaraddan cusub ee ka mid noqotay Shaqaale-weynaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa sheegay in ay Wasaaraddu tahay mida ugu horaysa ee hesha marka la qaybiyo shaqaalaha shaqo-qaran qaybta ugu badan, Wasaaradduna markay qiimaysay dufcadihii hore iyo shaqooyinka ay qabteen, ay ka mid noqdeen shaqaalaha shaqo-qaran masuuliyiinta kala duwan ee Wasaaradda hadda ka hawlgala.
Allah Mahad leh
Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.