Gyarqaankii Guud Ee Qaranka Oo Xalay Si Rasmi Ah Xilkii Iskaga Casilay

0
355

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Garyaqaanka guud ee Qaranka Somaliland Ibraahim Iidle Saleban, ayaa si rasmi ah iskaga casilay xilkii

Ibraahim-Iidle-Saleebaan-300x225

Ma jiro war rasmi ahi, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in garyaqaanka guud isagoo dalka ka maqan uu xalay madaxtooyada Somaliland soo gaadhsiiyay warqad istiqaalad ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo ku soo hagaajiyay,taas oo uu kaga dalbaday inuu ka aqbalo go’aanka uu shaqada kaga tagay.

Garyaqaanka guud oo arrimo u gaar ah dalka dibadiisa ugu maqnaa, ayaa wuxuu Madaxweyne Siilaanyo bishii December ee kal hore  xilkiisii si ku meelgaadh ah ugu sii dhiibay masuul kale oo hore u ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda daakhiliga Mr. Cabdisamad Maal. Ma jiro wax war ah oo ay madaxtooyadu ka soo saartay is casilaadda masuulkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here