Ha Targaafo Sida Toojo Geel, Tuurin Baw Qorane. Qalinkii Mohamed Gacayte

0
355

“Ninka xisbi dhan kaashsadee, kadin irmaan maala In karuurka uu qubo horay, kaafka ugu tiille Faysal maankiisu waa sidii, kuray carruureede Kas xumaa hoddaye Kulmiye,

way kala fogaayeene Siyaasadda waa lagu kufaaye, kaa ha la ogaado”.

Marka hore waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo in aanu jirin tartan danbe oo Golaha Dhexe oo Xisbiga Ucid ku dooranayo Musharax Madaxweyne. Guddida Diiwaangalinta oo hore uga garnaqday dacwada ucid waxay cadaysay inaanu jirin shir Gole Dhexe oo danbe oo Musharax Madaxweyne lagu dooranayo. Sababtoo ah Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid ee qabsoomay 28 Oct. 2012. Ayaa si rasmi ah cod gacan taag ah loogu doortay Musharaxa Jagada Madaxweyne Jamaal Cali Xuseen iyo M/weyne Xigeena Cabdirashiid Xasan Mataan,

si waafaqsan Xeerka Xisbiga Ucid, Kadib midowgii heshiiska dib u noolaynta Ucid oo ay wada galeen Hadhaagii Ucid oo Faysal hogaaminayo iyo Garabkii Xisbiga Udub ee Jamaal Cali Xuseen taariikhdu markay ahayd 12/07/2012. Hadaba iyadoo ay sidaa tahay Goaankii Guddida Diiwaangalinta ee Faysal racfaanka ka qaatay waxa ku jiray qodob odhanaya Musharaxnimada Jamal waxay ku dhamaystirmaysaa Shirweyne aan caadi ahayn. Anagu maanu diidin manaanu durin, mar hadii waxa shirweynaha laga ansixinayaa yahay dhamaan qodobada Heshiiska labada garab musharaxuna qayb ka yahay, duuduub ayaanu ku liqnay. Iyadoo Guddiduna u cuskatay Go,aankeeda Heshiiskii Labada Garab.

Hadaba marka loo eego xeerka Ucid qodobka odhanaya Shirweyne halagu ansixiyo Musharaxiinta Xeerka Ucid kuma taalo. qodobka 16aad iyo 27aad ayaa qeexaya habka lagu dooranayo Musharaxiinta Madaxweyne iyo Ku Xigeen, Ansixintoodana Golaha Dhexe awood u leeyahay, Shirweynana aanu shaqo ku lahayn. Garabka Faysal maaha inay indhaha iska tuuraan bal ha keenaan meesha ay Xeerka Ucid kaga taalo Musharaxiinta Shirweyne ayaa lagu ansixiyaa, Xeerka Ucid wuxuu kaliya shaqaynayaa marka Xisbigu dhisan yahay.

Guddida Diiwaangalintu waxay hoosta ka xariiqday in Ucid yahay Xisbi Qaran oo lawada leeyahay, waxaanay meesha ka saartay in qof kaliya uu sheegto Xisbiga, kuna tagrifalo wax ka baxsan awoodahiisa. Heshiiskii ay ku Midoobeen Labada Garabna yahay mid sharci ah oo waafaqsan Xeerka Ucid iyo Xeer Lam.14. Hadaba Midawgan Isbahaysiga cusub ee New Ucid wuxuu noqday mid guul u horseeday in marlabaad Ucid ka mid noqdo saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland. Go,aanka Guddida Diiwaangalintu wuxuu ahaa mid salka ku haya Heshiiskii Labada Garab, Xeer Lam.14 iyo Goaanadii Golaha Dhexe ee ku taariikhaysan 28/10/2012, oo Faysal gacantiisa ku saxeexay loona gudbiyay Hay’addahii ay khusaysay.

In shirweyne aan caadi ahayn la qabto, ergooyinka shirweynahana loo qaybsado si isle’eg Heshiiska ayay ku jirtay. Waana Qodobka Faysal ka dagi waayay ee ku kalifay inuu Racfaan qaato. Faysal wuxuu hilmaamay in qodobka 4aad ee Heshiisku dhigayo in Xisbiga wax walba si isle’eg loo qaybsan doono, Guddiduna ay isla qodobkaas u cuskatay qabsoomida shirweynaha aan caadiga ahayn. Faysal se wuxuu filaayay in la yidhaahdo adigu soo xul ergooyinka qoladana kusoo marti qaad shirka taasina mid u dhacaysa sidaa uu doonayo marnaba noqon mayso.

Maxkamada Sare waxa laga sugayaa in dariiqa cadaalada uga garnaqdo cida jabisay ee ku tumatay Xeerka Ucid oo banaanka la keeno cidkasta oo jabisay Sharciga. Mar hadii go,aankii Guddida ee Faysal nasteexa u ahaa wuu garan waayay isagoo wax aanu lahayn is leh waad heli doontaa. Xeerka Ucid oo kaliya hadii Faysal lagu qaado xataa wuxuu luminayaa Xubinimada Xisbiga iskabaa Gudoomiyenimo eh. Shacabka Somaliland iyo taageerayaasha Ucid waxay ku niyad sanyihiin naruurada iyo nuurka ka dhex ifay Garsoorka iyo Cadaalada, waxaanay isha ku hayaan Go,aanka Maxkamada Sare kasoo saarto Dacwada u dhaxaysa labada garab ee Ucid taasoo dhamaystir u noqon doonta Qiimaynta Shacabka ee Dhinaca Garsoorka Somaliland. Ilaahay sida xaqa ah hayna waafajiyo. Maxamed Aadan Dubad (Gacayte) Xubin Golaha Dhexe Xisbiga UCID Gacayte09@gmail.com Hargeisa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here