hab cusub oo loo daweynayo karo cudurka kansarka

0
203

Nooc cusub oo daweynta xanuunka kansarka ah oo loo adeegsaday hal fayras oo qofka lagu durayo si loo burburiyo unugyada uu saameeyay cudurka ayaa laga muujiyay rajo aad u wanaagsan.

Tijaabo hordhac ah oo lagu sameeyay bani’aadamka ayaa horseedi karta guul taariikhi ah, sida ay sheegeen seynisyahannada UK.

Bukaan qabay kansar oo ka mid ahaa dadka tijaabada lagu sameeyay ayaa laga waayay cudurka, halka kuwo kalena ay saameynta aad uga yaraatay.

Daawadu waa fayras ka mid ah noocyada hargabka oo la daciifiyay, kaasoo dib loogu farsameeyay si uu u dilo unugyada kansarka.

Daraasado kale oo ka waaweyn tan, kana waqti dheer ayaa loo baahnaan doonaa, balse khubarradu waxa ay sheegeen in cirbaddan ay ugu dambeyn horseedi karto rajo nololeed oo ay yeeshaan dadka uu heerka xun ku gaaray kansarka.

Krzysztof Wojkowski, oo ah 39 jir kasoo jeeda galbeedka London, waxa uu ka mid yahay bukaannada ka qeyb qaatay wejiga hore ee tijaabada, oo uu sameeyay Machadka Cilmi-baarista Kansarka ee “Royal Marsden NHS Foundation Trust”.

Sanadkii 2017 ayaa laga helay kansarka oo uga dhacay murugyada calyada abuura ee u dhow afka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here