HARGEYSA”GURIGII GUDOOMIYIHII WARGEYSKA HUBSAD CABDIRASHIID NUUR WACEYS DABQABSADAY IYO SABABTA KEENTAY GUBASHADA GURIGA+KASAARAHA KA DHASHAY DABKA

0
320

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Waxaa magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafada Sheekh Cumar ku shufbeelay gurigii Gudoomayaha Wargeyska Hubsad Cabdirshiid Nuur Waceys oo kuyaalay xaafadaasi gurigani ayaa waxa uu dabi qabsaday ilaa abaaro 11:30 duhurnimo Dabka qabsaday gurigaasi ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii uu guriga uu galay shoodh ka dhashay shirkada laydhka SOMPOWER Khasaaraka ka dhashay dabkasi ayaa waxa uu sabab u noqday in gabi ahaanba ay halkaasi ay ku shuf-beeshay hantidii gurigaasi dhex taalay majirto wax yeelo ka soo gaadhay caruurutii iyo eheladii gurigaasi daganayd Ciidamada lagu magacaabo dab damiska ayaa goobta gurigu ku shuf-beelay soo gaadhay goor uu guriga iyo hantidii dhextaalay ay ku dhex baabaday Shirkada laydhka ee SOMPOWER oo masuul ka ahayd dabka gurigaasi qabsaday ka dib markii uu shoodh galay ayaa iyagu aan kafaalo qaadin hantidii ku shuf-beeshay gurigaasi ku gubtay xaafada sheekh Cumar Waxaana warkaasi noo xaqiijiyay mulkiilihi lahaa guriga gubtay oo ah Suxufi katirsan Bahda warbaahinta Hargeysa ahna Gudoomiyihii Warvgeyska Hubsad Madia Group Cabdirashiid Nuur Waceys

Berberatoday.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here