Hawlgalo 48 sacadood qaatay oo guul ku dhamaaday Wakaalada Biyaha Berbera Fulisay

0
421
Hawlgal 48 sacadood qaatay oo guul ku dhamaaday Mareeyaha Wakalada Biyaha Berbera Dawlad Abdi Looliye.
Berbera , Somaliland Maamulka Wakaalada biyaha Berbera ayaa soo gabogabeyey hawlo shaqo lagu cilad saraayey dhuumaha biyaha magaalada soo gaadhsiiya ee deeganka faradeero kuwaasi oo lagu hawlaana saacadihi udambeeyey kaasi biyaha ka qubaayey ilaa 10 goobood oo waawayn , oo daxaloobay kadibna mood noqday .
Waxaa laga shaqeeyey 14 goobood oo dhuumaha / xaawiska biyaha qaada uu ka dilaacay kuwaasi oo aanu bedelay guud ahaanba sidoo kale waxaa laga shaqeeyey goob aan hore shaqda ugu jirin oo iyagana dhuumo cusub lagu kabay , kuwii horena laga bedelay .
Waxaanu awooda saarnay inaanu ka shaqayno dhamaanba goobaha biyuhu ka baxayaan ee inta udhaxaysa Faradeero iyo Berbera oo gaadhaysa 28Km , si ay magaadu biyo uhesho wakhti kasta .
Arintani ayaa barbar socotay dadaalada wakalada biyaha ee bedelista dhuumaha iyo peepska dhexmara magaalada iyo kuwa guud ee waraabiya xaafada magaalada oo aanu dhamaantoodba bedelnay kana shaqanayey mudooyonkii udanbeeyey .
Hawlgalkii maanta oo aanu u isticmaalnay gaadiid kala duwan , sida cagafyada dhulka lagu qodo iyo mishiinada laxaamada oo gaadhaya ilaa 10 xabo ah iyo ilaa 50 shaqaale ah alle waa nagu guuleeyey waxaanu ka qabanay shaqo culus , beebkan ah kuwo ugu mihiinsan ee biyaha soo qaada isla markaana magaalada waraabiya oo la dhisay ama la dhigay sanadihii 1980kii taasi oo ilaa hada la manaafacadsado .
Waxaa naga go an inay bulshadaydu biyo nadiif iyo wanaagsan hesho , dhib iyo dheefna wadaagno wixii shaqo ah ee ubaahan wax ka qabasho ma noqon doono kuwo faraha ka laabta waxaanu ku dhiiran doona inaanu Berbera biyo ka haqabtirno intaanu xafiiska joogno .
Magaaladuna way cabaysa isla caawaba waanan ka hortagnay markii hore oo waxaanu buuxsanay kaydka biyaha iyo dhuumaha biyaha soo qaado qaarkood .
Hawlgalkaasi ayaa guud ahaan qaatay mudo 4 canamaal 48 sacadood marka laga soo bilaabo maalintii shalay waxayna noqondoonta hawlgaladii ugu adkaa ee gabagabada sanadka 2020ka .
Allaah Ayaa mahad leh .
Saleeban Cabdi looliye
Mareeyaha wakaalada Biyaha Berbera .
+24

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here