Hay’adda Shaqaalaha Dawlada oo ka bilowday Tirinta Shaqaalaha Dawlada Degmada Dilla ee Gobolka Awdal

0
354

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Sharmake Geelle oo mudooyinkii u dambeeyay ku hawlanaa dardar galinta tirinta iyo tayaynta shaqaalah dawlada Somaliland ayaa gaadhay xarunta gobolka awdal ee magaalada boorame oo noqday gobolkii labaad ee laga bilaabo tirinta shaqaalaha dawlada.

“Waxaanu maanta gudo galeen tirinta shaqaalaha dawlada degmada Dilla

Qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa u dhignaa sidan:

Dilla oo maanta la Diiwangeliyey

 

– Waxaa si dardar le u socota diiwaangelinta shaqaalaha dawladda ee ka hawl-gala dhammaan xarumaha iyo gobolada dalka, waxaana maanta si wanaagsan loo diiwaangeliyey shaqaalaha dawladda ee ku suggan degmada Dilla halkaas oo  maalmahan loo dhaafi doonno degmooyinka xeebaha ee gobolka Awdal.  Shaqaalaha ayaa ku qaabilaya hawl-qabadkan rejo iyo riyaaq iyaga oo huba in ay u horseedi doonto horumar iyo hiigisi cusub ”

 

Jid iyo Jiho Cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here