Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Qalab kala Duwan Ku Wareejisay Machadka Tabobbarka Shaqaalaha

0
298

Hargeysa( Ceelgardinews.com)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa qalabkii ugu badnaa gudoonsiisay Machadka Shaqaalaha Dawladda, si kor loogu qaado Xirfada Shaqaalaha Dawaldda ee kala duwan.

Qalabka ay Hayadda shaqaalaha dawladda Somaliland ku wareejisay Machadka Tabobbarka Shaqaalaha 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qalabka ay Hayadda shaqaalaha dawladda Somaliland ku wareejisay Machadka Tabobbarka Shaqaalaha 2018

 

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa faahfaahin ka bixiyey Agab dhinaca  waxbarashadda loogu talo galay oo ay ka mid yihiin 700 Kursi, Samuurado, Kabadho iyo agab kale ay ku wareejiyeen Machadka Waxbarashadda Dawladda ee CSI, waxaanu hoosta ka xariiqay maadaama oo diwaangelintii shaqaalaha dawladda ay hay’adda shaqaaluhu dhamaystirtay in la gaadhay wakhtigii baahiyaha dhinaca aqoonta ee shaqaalaha kor loo qaadilahaa qalabkanina uu yahay mid wax wayn ka tari kara Baahida jirta.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo sharaxaaya qalabka ay maanta kala duwan ee Waxbarashadda ay hay’adda shaqaaluhu ku wareejisay Machadka waxbarashada dawladda ee (CSI) waxa uu qoraalkiisa ku yidhi. -Kadib markii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu soo dhamaysay xog iyo xaqiiqo raadinta Shaqaalaha Dawladda ayaa waxaa dhawaan si toos ah u bilaabmaya tayeynta Shaqaalaha Dawladda.

QALABKA LAGU WAREEJIYEY MACHADKA TABOBBARKA SHAQAALAHA

QALABKA LAGU WAREEJIYEY MACHADKA TABOBBARKA SHAQAALAHA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

-Haddaba, Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ka dib markii ay  tix-raaceen  xogtii shaqaalaha Dawladda, waxaa si  weyn u muuqanaysay baahida loo qabo in kor loo qaado xirfada iyo aqoonta Shaqaalaha Dawladda  si ay u bixiyaan adeeg hufan oo shacabka raali geliya, -Si taas loo gaadho, waxa aanu maanta Machadka Shaqaalaha Dawladda ku wareejinay agabka waxbarashada oo dhamaystiran kaasi oo  isugu jira in ka badan 700 oo kursi, sabuurado, kabadho iyo guud ahaan-ba baahida machadka ee dhanka agabka kuwaas oo  wax badan ka tari doona kor u qaadida xirfada iyo aqoonta Shaqaalaha Dawladda.

KURAASTA MACHADKA TABOBBARKA SHAQAALAHA LAGU WAREEJIYEY

KURAASTA MACHADKA TABOBBARKA SHAQAALAHA LAGU WAREEJIYEY

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

-Machadka Shaqaalaha Dawladda oo aan  mudo 10-sanno ah helin wax qalabayn ah ayuu    qalabkani u horseedi doonaa in uu bixiyo adeeg iyo qaad intii hore ka badan.  -Tallaabadan ayaa qayb weyn ka ah hawl-qabadka qaran ee dib-u-habaynta Shaqaalaah Dawladda halkaas  oo aanu dhawaan rajaynayno in Machadka Shaqaalaha Dawladda laga hirgeliyo gobolada kale ee dalka,” Sidaa ayaa lagu yidhi War Qoraal ah oo naga soo gaadhay Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland