Hoggaanka sare ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Maxkamadda s

0
35
Hoggaanka sare ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Aadam Xaaji Cali Axmed.
Kulankan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Garsoorka iyo Warbaahinta loogana hortagi lahaa xadhigga warbaahinta ee aan loo marin sifaha sharciga ah.
Kulanka waxaa kale oo lagaga hadlay ahmiyadda ay leedahay in la helo xeerka Saxaafadda Somaliland iyo sida uu baahi ugu qabo qaranku.
Gudoomiyaha Madaxkamadda Sare waxa uu balan qaaday in uu si dhow ula shaqayn doono Ururka iyo guud ahaan Warbahintaba.