“Innamo Yaryar Oo Loo Diidey Inay Berbera Ka Dhoofiyaan Shidaal Ay Yemen Ku Wadeen Ayuun Baa Meesha Hal Cagaf Keenay’e Ma Jiro Go’aan Beelleed Oo Ceel Garde Deked Lagaga Dhisay”

0
330

Hargeysa (Ceelgardinews.com) – Boqor Cismaan aw Maxamuud (Buur-madow), ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo kala duwan, kuwaas oo salka ku haya muranka ka aloosan dekedda Ceel-garde iyo waliba jawiga siyaasadeed ee ka aloosan deegaanka Buuhoodle. Boqorka oo isagoo ku sugan dalka imaaraadka khadka telefoonka ugu warramay wariye Cali-xaraare, ayaa ugu horrayn ka hadlay tallaabada la doonayo in deked macmal ah lagaga hirgeliyo deegaanka Ceel-garde ee gobolka Saaxil, waxana uu meesha ka saaray in dekedaas lagu dhisayey talo reer. Boqorku waxa uu caddeeyey inay hammiga dekeddaas iska lahaayeen dhallinyaro ka cadhootay shidaal ay doonayeen inay u waaridaan dhinaca dalka yemen oo laga horjoogsaday dekedda weyn ee Berbera, “Ceel-garde wax beeli wadato ma ahayn, go’aan beeleedna laguma dhisaynine inamo yaryar oo dekedda Berbera inay patrol ay yemen u dhoofiyaan loo diiday ayuun baa meeshaas ka shaqaynayey oo hal cagaf keenay, qolada weerartayna dhallinyaro iska caaddifadaysan uun bay ahaayeen.”ayuu yidhi Boqor Buur-madow.

Boqor Buur-madow waxa uu jawaabo ka bixiyey su’aalo tiro badan oo laga weydiiyey arrimaha kooxda uu Cali Khaliif hoggaamiyo ee buuhoodle fadqalalada ka wadda, waxana uu yidhi, “Khaatumo waa abtiyaday, waana halkii aan kasoo jeeday, Cali Khaliif-na waa nin aanu saaxiib nahay, in bandanna waan isku dayey inaan Somaliland isu soo dhaweeyo, Abtigay iyo ragggii Khaatumo aasaasayey waxan ku idhi waar maanta haddaad leedihiin soomaali baan aamin sanahaye halla isku keeno inaad Somaliland sii kala goysaa waxa ay ka hor imanaysaa mabda’ii aad aaminsanayd.”

Boqorka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in kooxda Khaatumo dabada ku hayso fikir reeraysan, waxana uu qiil u sameeyey tallaabada uu wasiir Xaglo-tooosiye muddada dheer ugu sugan yahay magaalada Buuhoodle,“Khaatumo waxa ay ka timi dhul-bahante, waxana jira khilaaf dhulbahantaha dhexdiisa ah, Saleebaan Xaglo-toosiye-na hore Buuhoodle madaxweynuu ka ahaa, wuxuna tirsanayaa in iyadoo aan la isqancin in rag uu Cali khaliif ka mid yahay madaxtinimadii ka maroojiyeen, waana muhiim inuu arrinta Buuhoodle xaglo-toosiye wakhti geliyo.”ayuu yidhi boqor Buur-madow. Waxa uu boqor Buur-madow talo u jeediyey Beelaha horbooda fikirka uu hormoodka ka yahay siyaasi Cali Khaliif, waxana uu yidhi,“waxa fiican inay dhulbahante ahaan u fadhiistaan oo u wada hadlaan oo haddii ay jiraan wax ay dhulbahante ahaan ku midaysan yihiin ay Somaliland ula yimaadaan ama go’itaan ha ahaato ama wax kale ha ahaatee” Ugu dambayntii waxa uu boqorku si weyn uga soo horjeestay tallaabada xukuumaddu dalka kaga saarayso dadka asalkoodu soomaalida yahay ee Somaliland ku sugan, waxana uu tilmaamay inaanay arrintaas sax ahayn marka fikirkiisa la eego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here