“Inteena Facebuuga Ku Wada Jirta Haddii Aynaan Tallaabo ka Daadin Dadka Hambalyeeya Maalin Kasta Wuwa Khaa’inul Waddanka ah”Prof Abdi Ali Jama

0
448
Digniin:
Inteena Facebuuga ku wada jirta haddii aynaan tallaabo ka qaadin dadka hambalyeeya maalin kasta kuwa khaa’inul waddanka ah ee Xamar laga magacaabo, dee marka danbe waddanka waa la innagu dul xaraashi innaga oo soo taagtaagan; waxani waa doqonniimo ee waxan idin soo jeedinayaa talaabadan soo socota, anigaana idiin baalalaynaya ee hareeraha qabta:
Digniin:
Saaxiib kasta oo halkan aanu friend ku nahay oo hambalyeeyey qof Somalilander ah oo kaligii iska tashaday oo xil siyaasadeed u doontay Xamar, waxan ogaysiinayaa haddii aanad ka masaxin hambalyadaas 48 saacadood ee soo socda bartaada Facebuugga, ogsoonow in aan halkaa ku joojin doono saaxiibtimadaada Facebuuga, qofkaad doonto ahaw, yaynaan kala caban hadhaw; waxad haysataa 48 saacadood; nin kuu digay kuma dilin!!
Dhammaan dadka aanu isku mawqifka nahay waxan u soo jeedinayaa in digniintaas oo kale aad ku soo qorto bartiina; taasina waa waxa ugu yar ee aan waddanka u samayn karno!Mahadasidiin.
Cabdo: Digniinta kalkaaliyayaasha khaa’inul waddanka (accomplice)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here