INTII MIDI SAFIIRKA AHAA, MIDNA JAAMACADAHA KU JIRAY, MIDNA UU DAWLADDII XAMAR LA JOOGAY, AYAA UU MUUSE BIIXI …

0
319

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qarana Somaliland Muj. Xasan Guure Jaamac, ayaa sheegay in Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi uu leeyahay taariikh cad uu dheer yahay dhammaan murrashaxiinta axsaabta kale. Mujaahid Xasan Guure oo isbarbar-dhig ku sameeyey murrashaxiinta axsaabta siyaasadda Somaliland waxa uu xusay in Murrashax Muuse Biixi uu leeyahay taariikh aanay lahayn murrashaxiinta xisbiyada UCID iyo WADDANI ee kala ah; Jamaal Cali Xuseen, Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro toona.

Muj. Xasan Guure oo u warramay telefishanka madaxbannaan ee Bulsho tv Shalay, waxa isagoo arrintaa ka hadlaya uu yidhi, “Waxa nalagu yidhaa Muuse Biixi baad raacsan tihiin, horena waan u sheegay maantana waan sheegayaaye saddexda xisbi annaga nooma kala dhawa. Waa run Muuse wuxuu leeyahay taariikh aan inta kale ee murrashaxiinta ah midna lahayn, saddexdooda Faysal, Cirro iyo Jamaal midna ma laha taariikhda uu Muuse dalka ku leeyahay, intaa cidina ma dafirayso oo duhur buu halkaa u soo badheedhay intii mid safiirka ahaa, midna baananka ka shaqaynayey ama jaamacadaha ku jiray, midna uu la joogay dawladdii Xamar, yeynaan dafirin taariikhda ee taa uu leeyahay Muuse oo intaas buu dheeryahay ragga.”

Haseyeeshee, waxa uu intaa ku daray in aanay ammaantaasi ahayn inuu u ololaynayo, isagoo xusay inuu taageero siinayo haddii uu ku qanco barmaamij siyaasadeedka uu soo bandhigi doono murrashax Muuse Biixi, “Taa macnaheedu maaha Muuse ayaan cod siinayaa, mana lihi dadkow Muuse cod siiya, Muuse waxaan codka ku siinayaa wuxuu maanta i hordhigo shalay maalin bay ahayd maantana waa maalin, shalay wuu gutay waajibkeedii, maantana siduu u gudanayo markuu ii sheego ayaan raacayaa,” ayuu yidhi Muj. Xasan Guure.