Wadanka Turkiga Oo riga Ka Badbaaday Inqilaab Ay Soo Qadeen Ciidamadiisa Milatarigu

0
300

Waxaa Turkiga ka socda isku-day afgembi oo ay wadaan qeyb ka mid ah milateriga dalkaasi.

War qoraal ah oo kasoo baxay askartaasi, isla markaana laga akhriyay telefishin ka mid ah kuwa qaranka, ayaa lagu sheegay in ay la wareegeen awoodda dalka.

160715220012_turkey-armey_640x360__nocredit

Waxaa la arkay diyaarado dagaal oo joog hoose ku dulmaraya caasimadda Ankara.

Taangiyo ayaa lagu jaray wadooyinka gala garoomada diyaaradaha ee Istanbul iyo Ankara.

Sidoo kale waxaa rasaas laga maqlay garoonka diyaaradaha ee Istanbul iyo buundada Bosphorus.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in qaraxyo culus laga maqlay caasimadda Ankara, iyo in diyaarad helicopter ah ay gantaal ku dhufatay dhismaha telefishinka qaranka.

Telefishin laga leeyahay dalkaasi ayaa sheegay in saraakiil sarsare oo milateriga ka tirsan lagu haysto Ankara.

Isku-dayga afgembi ayaa dhacay xilli uu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan fasax uga maqnaa caasimadda.

Waxa uu shacabka dalkiisa ugu baaqay in ay wadooyinka usoo baxaan oo ay taageeraan dimuqraadiyadda.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in isku-dayga ay ka dambeeyaan koox yar oo ka tirsan milateriga, isla markaana aanay guuleysan doonin.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa nabad iyo xasilooni u rajeeyay Turkiga, halka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon, uu ku baaqay in la dejiyo xaaladda dalkaasi.