” Iskuulka Sheekh Cali Cismaan ( Riis ) , Iib Maaha ” Qoraa Axmed Nuur Guruje.

0
399

Dugsiga Hoose dhexe ee loo yaqaanay Sir Gerald Rice , hadeerna loo bixiyey Sheekh Cali Cismaan , waxaa la dhisay sanadii 1953 kii , waxaana dhisay Maamulihii Somaliland Protactrate , oo la odhan jiray Sir Gerald Rice , Soomaaliduna u taqaanay Kama-kama .

Dugsigaas oo ahaa , Dugsigii 2aad ee Hargaysa lagga dhisay Sheikh Bashiir ka dib ( Ex Fisher School) , waxaa si naf hurnimo ah u dhisay , Ninkaas Rice la odhan jirey , iyadoo aan Dawladu ku racsanayn , hassa yeeshee u badheedhay inuu isagu culayskiisa tunka u rito .

– Iskuulkaas waxaa iyana door muhiima ka qaatay dhisikiisa , Aabayaashii Waxbarasahda Maxamuud Axmed Cali ,Yuusuf X Aadan iyo Yusuf ismail Samatar .

Dugsigaas qaybtiisa xigta dhinaca Barri waxaa dhisay , Xukuumadii Ingriiska, qaybtiisa Galbeedna Dawladihii Soomliya ee kala danbeeyey , Halka anaay Xukuumadihii Somailand soo maray aanay waxba ku darin .

Dugsigasi mudadaa u jiray ee ku dhaw 70 sanno , wuxuu soo saaray jiilal badan oo wadanka Taariikhdiisa ku jira sida , Maxamed S Gees , Abdiqadir Jirde,Xasan Ciise Jaamac , Faysal Cali Waraabe iyo qaar kaloo badan .

Nasiib wanaag ,Dugsigaas ana waxaan jaanis u helay in aan ka mid noqdo Dufcadii ka baxday 1990-2000 .

Marka la eego , baahida loo qabo Kobcinta Dugsigaas iyo goobta uu ku yaalo ee Istaraajiga ahna , waxaan ku fikiraa in lagga dhiso , Dugsi hoose dhexe sarre , waxa kale oo aan ku firkiraa in aan la duudsiyin , Aasaasihii Dugsigan ( Rice) oo aan lagga masaxin Diiwaanka Taariikhda uu ku tabcay .

Sidaa darteedna , Dugsigan oo ah , Goob Dangguud , Goob waxbarasho iyo Goob Waxbarasho kaabis mooyaane ku tagri fal ma geyo .

Ugu dambayn , Dugsi Sh/Cali Cismaan Iib Maaha .

Qoraa : Ahmed Nour Guruje

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here