Israa’iil oo amartay wasaaradda arrimaha dibadda inay Jarto xidhiidh-ka UN

0
296

Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu ku amray wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil inay qiimeyn ku saabsan soo afjaridda xiriirkooda Qaramada Midoobeey ay la wadaagaan.

Waxaa ka mid ah qeybaha ay qiimeynta ku sameynayaan dhaqaalaha ay Israa’iil siiso UN iyo joogitaanka wakiillada UN ee Israa’iil.

DAAWO: Dhulka UN ay amartay in la joojiyo dhismaha ka socdo

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil wuxuu hadalkaasi sheegay maalin ka dib markii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobeey uu meel mariyay qaraar ka dhan ah guryaha laga dhisayo dhulka Falastiin.

Trump oo hakiyay qaraar UN oo ka dhan ah Israa’iil

UN oo dalbaneysa in la joojiyo deegaameynta Israa’iil

Qaraarka wuxuu dalbanayaa in la joojiyo deegaameynta iyo dhismayaasha Israa’iil ay ka wado Qudus iyo Daanta-Galbeed.

Mr Netanyahu ayaa go’aankaasi ku tilmaamay mid ceeb oo aan cadaaladna ahayn.

Turkiga iyo Israa’iil oo heshiiyay

Wuxuu wacad ku maray in waqti yar gudihiisa la laali doono go’aankaasi.