ITOOBIYA ISKUMAYNAAN OGAYN ARRINTAN EE XUKUUMADDU HA KA HADASHO MASHAQADA GAASHAAMO, WAAYO AMARKA WAXAY ASKARTU KA QAATAAN DAWLADDA”

0
269

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ka mid ah xildhibaannada ruug cadaaga ah ee ugu da’da weyn aqalka golaha guurtida Somaliland ayaa shalay baaq u diray beellaha ay shaqaaqadu ka dhex dhacday ee gobolka Sool, waxaanu yidhi ” labadaas reer taladu way ka murux satay dadku waa isku reer meel kala tagi mayaan waa dad wada dhashay labadaas reer odayaashu nabad haku dhameeyeen arinkooda, waligoodna way wada joogayaan oo meel kala tagi maayaan, odayaasha iyo xukuumadu yaanay u kala hadhin arrinkaas gaar ahaan xukuumadu sidii ay wax uga qaban karto arinkaa aad ha u dadaasho , milatariga iyo askarta ku dhex jirta reerkaasi way mahad san yihiin ee ha is xoogeeyeen qoladaas intaas ayaan odhan lahaa”.

waxa kale oo xildhibaan Cabdi Waraabe ka hadlay dagaal shalay ka dhacay Gaashaamo oo sida aanu warbixin ku helnay askarta New Polisku ku dishay dad aad u tiro badan oo lagu qiyaasay 45 qof waxaana hadalladiisii ka mid ahaa xaaji Cabdi Waraabe “Qolada Gaashaamo waxa la sheegayaa in ay laayeen new bilayska itoobiya, dawladu aad ha ula hadasho ha loo gurmado labada xukuumadood hawada hadleen. Waayo amarka waxa ay ka qaataan dawlada Itoobiya, dawlada Itoobiyana jaar baynu ahaynoo heshiisbaynu ahaynoo iskumaynaan ogayn arrinta wax dawlad ahaan ka dhacayna maaha ee askar uunbay ka dhacday. labada xukuumadoodna haka wada hadleen wax dambe in aanay dhicin, waxaana la sheegay in ay dad badan oo maati ah halkaas lagu laayey dumar iyo caruur u badan dad badan na way ku dhinteen mashaqadaas halkaasna xukuumadu ha ka hadasho, xukuumaduna xukuumada hala hadasho warbixintana ha gaadhsiiso”

xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo isaguna baaq u diray beelaha walaalaha ah waxa hadaladiisii ka mid ahaa ” marka u horeysa waxa aan baaq u dirayaa dadka wax garadka ah ee madax dhaqameedka ah ee deeganadaas ku hareeraysan iyo inta ku dhaw in ay arrintaas ugu horeeyaan kuna guntadaan, waxaan baaq u dirayaa labada beelood ee walaalaha waxaanan colaad wiil kuma dhashee wiilbaa ku dhinta, mashaqa kasta oo dhacda wixii dhintay ilaahay baa wakhtigooda ayaa dhamaaday ee waa in intii nool xal loo raadiyaa iyo sidii loo dhamayn lahaa arintaas ee nabad loogu soo dabaali lahaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here