Itoobiya oo guddoontay diyaaraddi Tobanaad ee Airbus-350

0
396

Munaasabad ay shirkadda diyaaradaha Itoobiya kula wareegeysay diyaaraddii Tobanaad ee Airbus-350 oo ay ka soo iibsatay shirkadda Airbus ee diyaradaha Samayeso oo laga leeyahay Mareykanka ayaa lagu qabtay magaalada Addis Ababa.

Munaasabaddana waxaa ka qayb galay Maareeyahay Guud ee shirkadda diyaaradaha Itoobiya Tewelde Gebremaryam, danjirayaal fadhigoodu yahay Addis Ababa iyo xubno ka socday shirkadda Airbus.

Diyaaradda Airbus-350 ee ugu horreysay oo ay shirkadda diyaaradaha Itoobiya yeelato waxay Shirkadda Airbus kala wareegtay 2016-k

 

 

Mudda laba sana iyo bar gudahoodna waxaa shirkadda u suuragashay iney shirkadda Airbus ka guddoonto 10 diyaaradood oo nooca casriga ee Airbus-350 ee ay ka iibsatay.

 

Diyaaradda Airbus-350 oo ka mid ah diyaaradaha ugu waaweyn ee dunida ugu caansan waxay awood u leedahay iney halki mar qaaddo 343 rakaab ah.

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya waxay ka mid tahay shirkadaha diyaaradaha ugu horreeya qaaraddan Afrika sanad walbana Faa’ido aad u badan dhanka duullimaadyada ka soo xereyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here