Jamaal Caydiid Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistiisa, Mustaqbalkiisa Siyaasadeed Iyo Shirka Lagu Eedeeyay Inuu Ka Qayb Gala

0
283

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Guddoomiyihii hore ee Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka Jamaal Caydiid Ibraahim, oo shalay Shir jaraa’iid qabtay ayaa waxa uu ka hadlay sida uu u arko xil ka qaadistiisa, sababta keentay in xilka laga qaado iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed ee dhinaca Xisbiga Kulmiye, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Ugu horeyn haddii aan ka warbixiyo Shirkii Istanbul aanu u tagnay, kow iyo toban xubnood ayaanu ahayn, oo aan anigu ahaa Guddoomiye ku xigeenka rugta Ganacsiga, kuna hogaaminaayey Weftiga, Shirkaas waxa qaban qaabiyey Hay’ad ganacsiga iyo cilaaqadka caalamka u qaabilsan Dawladda Turkiga, waxayna la soo xidhiidheen Rugta Ganacsiga Somaliland, waxayna ka dalbadeen Rugta Ganacsiga Somaliland tiro ka soo qayb galaysa Shirkaas, waxa lagaga hadlaayaana waxa uu noqonaya arimo ganacsi iyo Shirkadaha Dawladda Turkiga oo raba inay maalgashadaan, kuwaas oo runtii u diyaar ah inay bixiyaan maalgalin xoog leh, taasna ay tahay waajib inay ka soo qayb galaan Ganacsatada Somaliland si danahooda iyaga oo magaca dadkooda iyo dalkooda ku hadlaya ku sharfayaa kuna sharfay inay meesha kaga qayb galaan, ayaanu ku tagnay, Guddidii qaban qaabada markii aanu meeshii gaadhnay, oo halkana Qunsulka joogaa uu nagu siiyey Fisada oo aanu sidaas ku tagnay, markii aanu meeshii tagnay ee aanu la kulanay qaban qaabadii waxa aanu weydiisanay inay noo keenaan ajandaha Shirka, markii ay noo keeneen ajandaha Shirka, iyadoo halkaas ay goob joog ka ahaayeen Somaliya iyo Somaliland, iyagu sida ay doonaan ha isku kala guraan ee anaga Somaliya ayey noo ahaayeene, anaguna Somaliland baanu ahayn iyo qolo ganacsato ah oo ka socotay Dawladda Jabuuti, markii ay ajandihii noo dhiibeen waxa aanu ka akhrinay  in meeshii haba yaraate aanay Somaliland ajandaha ka muuqan waxna ku lahayn, oo ay quseeyso Somaliland iyo Dawladda Turkiga.”

Jamaal oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Tobankii Subaxnimo ayey ahayd markii aanu qaban-qaabada isu nimid, oo shirka weyna uu dhici lahaa saddexda galabnimo ayaa marka ay halkaas marayso ayaanu ka hadalnay aniga iyo raggii ila socdayba, waana sheegnay in aan halkan waxba noo ool, waana ka baxnay, sidaas ayaanaan kaga qayb galin, Shirkii waxa uu bilaabay galinkii dambe, anaguna galinkii hore ayaanu ka baxnay, goobtii Kalsan TV ayaanu kula kulanay, aniga iyo xubno kaleba shir jaraa’iid ayaanu qabanay oo aanu ka waranay, Saxaafaddana waan la soo hadlay, wixii dhacayna waan ka soo sheegay, dabadeedna sidaas ayaanu Shirkii kaga gaabsanay, danahayga ayaanu markaas ku foofnay, nin caafimaad u taga oo dhakhtar u soo doonta, nin ganacsigiisa kale gala iyo nin shirkado la balansanaa u tagaba, Raggii intayadii  soo laabatay haddaan idiinka  magacaabo wax oo aad ka xajiin kartaan wareysan kartaana waxa ka mid ah Eng:Cabdi  Cali Barkhad oo ka socday Shirkada Kaah, Keyse Shugri oo ka socday Shirkada Daryeel, waxa ku jiray Nin Buux la yidhaahdo oo reer Booramo ah oo isaguna ka socday Shirkada Raashinka keenta ee la yidhaahdo Sabawanaag, Nin Muuse Toob la yidhaahdo oo isna ah Raggan Raashinka keena, intayadaasiba goob joog ayaanu ka ahayn, waana ka wada baxnay Shirka waana isku raacsanayn arintaas, sidaas ayaanu kaga soo baxnay”.

Jamaal Caydiid ayaa mar uu ka hadlay warka laga baahiyay wuxuu yidhi  “Nasiib daro halkan waxa aan ugu imid in warbaahinta qaar qoreen in aan Shirkaas ka qayb galay, Sawiro Shir hore oo ka dhacay dawladda Jabuuti oo runtii sannad guuradii boqolaad ee rugtooda ganacsigu ku casuumeen caalamka oo dhan, anagana ay nagu casuumeen sawiro ahna wey soo qaateen, , maalin walbana way ka qoraan madaxda oo saakaba [shalay] Muuse Biixi waxa  ku qornayd warbaahinta in Xasan Sheekh wada hadal u socday, oo waliba Xasan Sheekh isagu diiday kuna gacan saydhay  markaas arintaas aniga la iga qoray waxay ahayd mid aanay waxba ka jirin”.

Jamaal Caydiid ayaa mar uu ka hadlaayey sida uu arko xilka uu Madaxweynuhu ka qaaday ayaa yidhi “Waan ku ganacsanay xilka uu Madaxweynuhu iga qaaday, oo xilku waa meerto waana wax ka mid ah sunaha dawladnimo, kuwa iga horeeyey iyo kuwa iga dambeeyeyba wey soo mareen, laakiin shaqsiyada iyo sharafnimada dawladnimo ee aynu ku soo halganay oo aan u soo joogay ilaa maalintii 1991-kii, oo aan ka mid ahaa Guddidii qaban-qaabada ee 15-qof ee dib ula soo noqoshada Somaliland, marka lagu tilmaamo in aan maray waddo ka leexsan, ayaan ka jawaabay, oo muhiimada ugu badan ee aan shirkan u qabtay kow ka yahay”.

Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa mar uu ka hadlaayey wada shaqeeyntii ka dhexeeysay Madaxweynaha ayaa yidhi “Wada shaqeeyntii aniga iyo Madaxweyanaha oo aan anigu aad iyo aad ugu mahadcelinayo uguna han weynahay, oo labada goorba magacaabista iyo xil ka qaadista uga mahadcelinayo, kuna faraxsanahay in aan la soo shaqeeyo, dawladnimada inta uu xilka hayey iyo intii uu Mucaaradka ahaaba raggii ka tagayba iyo Ragga la joogayba mid waliba guushiisa iyo dhaliishaba inba uu ku leeyahayba uu la leeyahay, taasna dadkaas ayaan ka mid ahaa, aad iyo aad ayaan ugu faraxsan ahay”.

Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa mar uu ka hadlaayey sababta keentay in xilka laga qaado ayaa yidhi “Xilka waxa cad in la igaga qaaday in aan ka qayb galay Shirkaas, waana ay ii soo sheegeen Madaxda dawladda ku jira wax i difaaca oo yidhi ninkaas hawshaas ma galin iyo wax ku raacaba “.

Jamaal Caydiid Ibraahim mar uu ka hadlaayey inuu ka sii mid ahaanayo Kulmiye iyo in kale ayaa yidhi “Kulmiye xubin ka mid ah ayaan ahaa, runtiina Golaha dhexe waan ku jiray, xubinimadiina waan ku jiraa mansabkaasna wali cidi  igamay qaadin, hawshiina waan hayaa, laakiin mustaqbalkayga siyaasiga ah runtii markaan xilka wareejiyo, xoogayna dib aan iskugu noqdo ayaan sheegi doonaa halkaan u arko inay dalka iyo dadkaba dan u tahay, ee aan is odhan karo waad ka qayb qaadan karta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here