Ka hor tagga shubanka ama Daacuunka Sida aynu ognahay waxa xawaare ku socda shubanka daacuunka loo yaqaan by rakad j

0
347

Ka hor tagga shubanka ama Daacuunka
Sida aynu ognahay waxa xawaare ku socda shubanka daacuunka loo yaqaan kaas oo ethopia inaga soo galey imikana burco ka soo socda haddaba si aynu uga hor tagno waxa laynooga baahan yahay inuu qofkastaaba intiisa aqooneed ka tallo bixiyo.

Shubanka sida aynu wadda ognahay waxa sabab u ah Nadaafad daro iyo bakteeriya cusub oo abuurantay.

Tallooyinkayga aan idinla wadaagayo waxa ka mida:-

1. In la nadiifiyo Goobaha cuntadda iyo Weelka cuntadda lagu dhigo ama lagu rido.
2. Maydhashada oo la joogteeyo.
3. Farxalka oo markasta Saabuun iyo anti bacteria lagu gacmo maydho.
3. Liin dhanaanta oo la isticmaalo ugu yaraan 10 xabo wakhtiyadda Cuntadda ka hor iyo ka diba.
4. Qaadashadda dawooyinka ka hor tagga shubanka iyo bacteriyadda.
5. U dhawaanshaha Goob caafimaad haddii aad dareentid in uu ku hayo ama aad shakidid.
6. Nadiifinta dharka iyo meelaha lagu seexdo.
7. Dhagaysiga Tallooyinka dhakhaatiirta.
8. Fulinta Tallooyinka Dhakhaatiirta ku shaqadda leh.
9. Baryadda Alle oo la badiyo in Alle Inaga fogeeyo xanuunkaas.
10. Caawinta dadka shubanku ku dhacay Adeeg iyo dhaqaalaba.
11. Cabista Biyo nadiifa waliba dadka waaweyn in lagu ilaaliyo biyo nadiif ah , Biyahana laga shubto Booyadaha Riigga ee biyaha macaan soo qaada ama biyo mooyo saxa ah la cabo haddii la karo inta shubanku socdo.
12. Cunista Cuno nadiif ah, iyo goob nadiif ah.

Fulinta iyo fahamka qodobaddan sare.
Gudbinta Qodobaddan ama wacyi Galintaada gaar ahaaneed.

Wixii aan khalday ama aan ka tagey waad i sixi kartaa ama ku dari kartaa.

Alle ayaan ka baryayaa inuu inaga qabto , oo caafimaad siiyo inta bugta iyo inta u jiiftaba.

Allaw caafimaad buuxa sii Aamin Aamin.
Farhan Mohamed Sultan (Rakad)
Facebook: Rakad Mxd Sultan
Berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here