Kaamiroyinka Qarsoon Ee CCTV Oo Markii Ugu Horeysay Lagu Xidhayo Wado Ku Taalla Muqdisho

0
296

Ka dib markii uu kordhay saxmada ka taagan wadada Maka Al-Mukarama oo ah mida ugu mashquulka badan Muqdisho ayaa waxaa socda qorshe wadadaas loogu xirayo kaamirooyinka qarsoon ee CCTV si loola socdo dhaqdhaqaaqa iyo fal dambiyeedyada ka dhaca wadadaas.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Waaberi G/lle Xuseen Maxamed Cabdi ayaa sheegay in maamulkooda ay xoojinayaan dadaalada amniga lagu xaqiijinayo ee wadadaas iyo qeybaha kale ee degmada.

15px;” /> G/lle Xuseen Maxamed Cabdi ayaa xusay in Kaamirooyinkii ugu horeeyay ee ah nooca CCTV ay ka hirgaliyeen gudaha iyo hareeraha saldhiga degmada Waabari oo kaabiga ku haya wadada Maka Al-Mukarama.

Kaamirooyin kale ayuu sheegay in ay dhawaan galin doonaan wadada Maka al-mukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa isgosyada dabka iyo Shaqaalaha, isagoo xusay in qorshuhu yahay in wadada gees ka gees la gaarsiiyo kaamirooyinka qarsoon.

“Waxay naga saacidayaan Kaamirooyinka qarsoon xaqiijinta amniga, waxeyna keydinayaan wixii wadada ka dhaca oo marqaati kale looma baahna, waana hab casri ah oo lagula socdo fal dambiyeedyada” ayuu yiri yiri Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Waabari.

Taliyaha ayaa sheegay in dadka isticmaala wadada Maka Al-mukarama iyo ganacsatada looga baahan yahay inay muujiyaan feejignaan xaga amniga ah ayna ku soo wargeliyaan ciidanka amaanka haddii ay la kulmaan shaqsiyaad ama gaadiid ay ka shakiyaan.

“Ganacsada hareeraha wadada dukaamada ku leh waa ineysan oglaan in gaadiid qofkii watay aan la aqooon la hor dhigo” ayuu yiri Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Waabari.

Wadada Maka Al-Mukarama oo ay ku yaalaan hotelo iyo goobo ganacsi ayaa waxaa horey uga dhacay weeraro lagu hoobtay oo lala beegsaday Hotelo iyo gaadiid ay la socdeen mauuliyiin wadada isticmaalayey.