kaftanka maanta , aduunkaa iska wada handaraaban…W/Q Axmednuur Guruje

0
508

 

kaftanka maanta , aduunkaa iska wada handaraaban ,, .

Sheekaba sheeko ayay keentaaye, beribaa waxa la yidhi nin wayn oo odaya , ayaa wadaad yar oo uu minyaraystay soo dacwaysay , dabeeto odaygii baa saman loo keeney .

Markii warkii la maqlay ayaa islaantii ergo looggu tegey , islaantii na waxay tidhi odayga waxba kale ka sheegan maayee waa nin Wayne ha iska Kay fasaxo , waanay ku adkaysatay .

 

Odayaashii baa tallo ku cadaatay , dabeeto nin warkooddii maqlay baa yidhi , waar hawshaa anaa dhamaynayee , ha la ii daayo .

Subaxdii markii maxkamadii la tagay ee dacwaddii la akhriyay buu gacanta taagay , markaasaa hadalkii la siyay markaasuu yidhi , qaaddi waxaan idiin sheegayaa sanadka saxal baa jirra , qoodhii oo dhana saxalkaasa haya , sanadkana geel awr ku qooqayan yahay ma jirro .

Dabeeto qaadigii oo odayga ka xishoonayay , dacwaduna ku taagnayd hadeerna jaanis heley baa dadkii waydiiyay warkaa waxa ka jirra , markaasay ugu jaawaabeen qaaddi saxalku waa jiraaayoo anagaba wuu nasoo gaadhay

Markaasuu qaadigi intuu qoslay yidhi , heblaayooy wadaadku duniduu la qabaaye orod gurigaagii iskagga noqo .

Imika waa halkaase , sanadka adunyadaa iska wada handaraabanoo , waatii qadar ba la handaraabay , iirana la handaraabay , soodaana baryahaba waatii handaraabnayd ,lacagtii turkigana waatii la handaraabay , djaboutina la handaraabay , hadana sucuugii baa la handaraabayaayoo , sanadka aduunka ayaa iska wada handaraabane , xukuumadda halla daayo aduunyaday la qabtaaye .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here