KHILAAF MAAMUL OO KA DHEX QARXAY MAREEYAHA WAKAALADA BIYAHA BERBERA IYO KUXIGEENKIISA+WASARADA BIYAHA OO KEENTAY XISAABIYE IDMAN

0
398

Khilaaf Cakiran Oo ka Dhexqarxay Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera iyo Kuxigeenkiisa+Wasarada Biyaha Oo Keentay Xisaabiye Idman+Qabyo tirka Fooq uu Leeyahay Mareeyuhu+Xaalad Biyo La’aaneed oo Ka Jirta Berbera

mareeyaha wakaalada biyaha berbera,kayd

Berbera(Mandheeranews)Khilaaf Xoogan Ayaa ka Dhex Curtay Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Kayd C.laahi Xandule iyo Kuxigeenkiisa Khadar Siciid Firiko kaasi oo mudooyinkii u dambeeyey siweyn u sii xoogaysanayey islamarkaasina gaadhey heer Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Saxeexa uu la Wadaago Xisaabiye Idman oo dhawaan Wasaarada Maaliyadu usoo Magacawday inuu la Saxeexa Kharash Bixinta Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera.

Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Kayd C.laaahi Xandule Oo Xilka Mareeyenimo hayey Mudo ku siman Afar Bilood ayaa waxa u mudooyinkii u dambeeyey ay Ashkato iyo ismaandhaaf ka dhex aloosnaa isaga iyo kuxigeenkiisa oo isku mar Xilkaasi loo soo wado magacaabey,waxaana Xogo madaxbanaan ee soo gaadhey Shabakada Mandheera ay tibaxeen in Khilaafkani uu salka ku hayo dacwad maamul oo la xidhiidha Arrimo maaliyadeed oo uu Mareeyuhu kaligii iska maamushey,islamarkaasina Kuxigeenkiisu uu ka biyo diidey sida loo maamuley,kadibna uu Dacwad ka dhan ah Mareeyaha uu gudbiyey Wasiirka Wasaarada Biyaha Baashe Cali Jaamac,dacwadaasina ay keentay in Wasiirku Wasaarada Maaliyaha iyo Xisaabiyaha Guud ee qaranka uu ka Dalbado Xisaabiye Idman oo Saxeexa la Wadaaga Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera.

Murankan ka Dhex qarxay Labada Mareeye ee Wakaalada Biyaha Berbera Ayaa ku soo beegmaya Xili wakaalada Biyaha Berbera ay ku Jirto xiligii ay ugu dhaqaalaha Badney ee Mooshinka Xajka oo Xoolo tiradooda lagu qiyaasey 3 milyan oo neef ay ka dhoofayaan Dekadda Berbera,islamarkaasina ay ka Soo xeroonayso Dhaqaale aad u tiro badan oo Magaalada berbera lagaga Saari karo Biyo yaraanta haysata,sidoo kale Maamulka Wakaaladu uu ku fulin karo Mashaariic Horumarineed oo lagu Balaadhinayo biyo galinta Berbera.

Hadaba Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Ee Saxeexa laga Joojiyey ayaa hore uga Shaqeyn jirey Shirkada Dahabshiil Berbera oo uu Maamule ka soo noqday,waxaana uu intii aanu Shaqada Wakaalada Biyaha Berbera loo magacaabin,Qabyo ka ahaa Dhismaha Fooq uu hore u dhistey intii uu ka shaqeynayey Shirkada Dahabshiil oo Xoguhu ay Raaciyeen in Foqaasi lagaga lahaa Lacag dhan $63000,kaas oo dhismihiisu ilaa sanad uu qabyo ahaa ayaa uu mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera kayd C.laahi uu Labadii bilood ee ugu dambeeyey uu Dhismihiisa Qabyo tirey.

Geesta kale Odayaal iyo Waxgarada ka soo jeeda Beesha Muse Cabdale Ee Degaanka Labaad ee Gobolka Saaxil oo uu ka soojeedo Mareeye kuxigeenku ayaa Maalmihii u Dambeeyey Dacwad la Xidhiidha Kursiga Mareeyenimo ee Wakaalada Biyaha Berbera ka Wadey Magaalada Hargeysa iyagoo iskaga Dab qaadayey Wasaarada Biyaha iyo Madaxtooyada,islamarkaasina ku Cabanayey in Kursigaasi in Madaxweyne Silaanyo usoo Celiyo Kursigaasi Wakaalada Biyaha Berbera oo ay hore u maamuli jireen,balse hadda laga qaadey.

 

 

Mandheeranews.com

Berbera Somaliland