KULMIYE IYO XUKUUMADIISA AYAA U SABABA XADHIGA MASUULIYIINTA WADDANI

0
356

Waxa mudo 48caanamaal ah ku xidhan xabsiga magaalada hargaysa labada masuul ee kala ah Yoonis Ahmed Yoonis xooghayaha ciyaaraha ee xisbiga waddani iyo Maxamed Siddiiq Dhamme oo ah gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga waddani, labadaasi masuul waxa ay ku xidhan yihiin waa difaacida iyo masuuliyada xisbi ee kasaaran guud ahaan shacabka Somaliland, runtiina waxa ay guteen waajibkooda masuuliyadeed hadii ay tahay mid shaqo iyo hadii ay tahay mid siyaasadeedba,

Waxa xusida mudani waxa ay tahay in labadaasi masuul mid ka mida maxkamadu dambi ku weyday siina daysay walina ku xidhan yahay racfaan qaadasho dambi loogu raadinaayo, sidookale mr yoonis oo maxkamadu ku xukuntay sanad xadhiga, iyana waxa laga qaatay RACFAAN si loogu xukumo dambi ka badan HAL SANO.

Taasi waxa ay muujinaysaa in xadhiga masuuliyiintaasi yahay mid siyaasadeed iyo in lagu wiiqo doorka firfircoon ee ay ciyaaraan.

Waxa iyana cajiiba in masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ay eed uga dhigaan xadhiga masuuliyiintaasi xisbigoodii kuna eedeeyaan in aanu xisbigu doorkiisii qaadan ma jirto ayaan daro ka weyn in kulmiye oo dulmigaasi falay kuwa dugsanayaa ka hadlaan!

Ma jirto wax kaga baaqsaday xadhiga masuuliyiintaa xisbiga waddani dhankasta oo aad ka eegto hadii ay tahay
1-Mid siyaasadeed xisbigu wuu muujiyay doorkiisii
2-Mid sharci xisbigu wuu muujiyay doorkiisii
Waxa uu u qabtay masuuliyiintaasi ilaa 4qareen oo u dooda
Dhamaan fadhiyadii maxkamada xisbigu wuu ka qayb qaatay waxaana ka soo xaadiray masuuliyiinta ugu saraysa oo gudoomiyuhu hormood u yahay
3- Mid wada xaajood xisbigu uu sameeyay oo waxa uu gaadhay ilaa madaxweynaha qaranka.
4-Mid ficil xisbigu wuu muujiyay oo waxa loo xidhay masuuliyiinta xidbiga kuwii ugu sareeyay
5-Mid warbaahineed xisbigu wuu qaatay doorkiisii oo si joogto ah ayuu u iftiimiyay sababta xadhigooda

Walina xisbiga waddani wuu wadaa dedaalkiisii shaqo waanu ku hawlan yahay sidii uu u sii dayn lahaa masuuliyiintaa ka xidhan waana u diyaar jidkasta oo uu u maraayo.

Reer kulmiye iyo inta ku abtirsataa iyagaa ka masuula wixii dulmi ee dalka ka dhaca inta ay xilka umada hayaan mana ah in ay cid kale ku eedeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here