KULMIYE Oo Xisbiga Ka Caydhiyay Shan Xubnood Oo Lagu Eedeeyay Inay Wada Hadalo La Bilaabeen Mucaaradka

0
330

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Hoggaanka xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa xubinimadii xisbiga ka qaaday shan xubnood oo ka tirsan siyaasiyiinta isbahaysiga, kuwaas oo ah xubnaha ay isbahaysigu u xuleen wada hadalada xisbiga Waddani, waxaana xubnahan lagu eedeeyay inay wada hadalo la bilaabeen xisbiyada mucaaradka ah.

Hase yeeshee xubnahan uu KULMIYE ku eedeeyay inay wada hadalo la bilaabeen mucaaradka, waxa ku jira Dr. Cabdi Aw Daahir oo aan ka mid ahayn guddiga wada hadalada la bilaabaysa mucaaradka, balse ay saxaafadu qortay inuu ku jiro. Waxaana guddigaas ku jirta marwo Nimco Xuseen Qawdhan.

Digreetadda xisbiga KULMIYE lagaga saaray waxa ku saxeexnaa afhayeenka xisbul xaakimka KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), waxaana xubnahan lagu eedeeyay dastuur jabin, waxaanu KULMIYE yidhi “Sida ku cad warqadda sumadeedu tahay XK/XGX/0042185/2016, kuna taariikhaysan 23 March 2016 ee ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, taas oo lagu kala socodsiiyey hay’adaha ay khusayso, kadib markay wadatashi yeesheen Hoggaanka Sare ee Xisbiga iyo Guddida Fulinta, waxa caddaatay in xubnaha wadahadalka tooska ah kula jira xisbiyada Mucaaradka ah ay si badheedh ah uga horyimaadeen Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Xisbiga KULMIYE. Sidaas daraadeed, iyada oo la raacayo qodobada 11-aad iyo 13-aad ee Dastuurka Xisbiga KULMIYE waxay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin laga bilaabo maanta oo bishu tahay 23 March 2016 ay gabi ahaanba lumiyeen xubinnimadii xisbiga KULMIYE, taas awgeedna, waxa lagala noqday xubinimadii Golaha Dhexe iyo tii Fulinta,”ayaa lagu yidhi qoraalkan.

Waxa kale oo looga digay xubnaha xisbiga laga saaray inay adeegsadaan astaamaha iyo magaca xisbiga KULMIYE. “Waxa kaloo halkan xisbigu ku caddaynaynaa in aan sinnaba loo adeegsan karin astaamaha Xisbiga ee ay ka mid yihiin Calanka, Summadaha iyo Magaca Xisbiga, sidoo kale, wax wadahadal iyo heshiis ah aanay cidna kula gali karin magaca Xisbiga KULMIYE xubnahaasi. Maanta laga bilaabo waxay u madaxbannaan yihiin in ay magacyadooda oo kaliya naftooda ku matalaan.”

Xubnahaasi waxa ay kala yihiin:

1. Cabdi Aw Daahir Cali. Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga.

2. Cabdirisaaq Khaliif Axmed – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga kadib markii uu hore u caddeeyey inuu ka baxay xisbiga.

3. Xusseen Axmed Caydiid – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga.

4. Faarax Cilmi Geedoole – Waxa uu waayey Xubinimadii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga.

5. Cali Cabdi Saa’iq – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga, kadib markii uu hore u caddeeyey inuu ka baxay xisbiga.”

Siyaasiyiintan laga caydhiyay xisbiga KULMIYE, ayaa waxa la filayaa inay maanta saxaafadda la hadlaan oo ay ka jawaabaan go’aanka ka soo baxay xisbiga KULMIYE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here