Laamaha Xisbiga Waddani ee Dalka Jarmalka oo Shirarkii Sannadlaha ahaa Qasbaday iyo Masuuliyiin Cusub oo Lagu Doortay –

0
325

Laamaha Xisbiga Waddani ee Dalka Jarmalka oo Shirarkii Sannadlaha ahaa Qasbaday iyo Masuuliyiin Cusub oo Lagu Doortay

Warsaxafadeed kasoobaxay  Xafiiska Gudoomiyaha Guud  ee Laamaha Xisbiga Waddani  Germany Muj Hassan Xirsi Farax  hassan Mataan     Sidan

 

 

 

XISBIGA  WADDANI  GERMANY
SOMALILAND  NATIONAL  PARTY
LAANTA GERMANY
Tell:004915217582300 Email:hassanabdi_2@hotmail.com

REF/XIS/WAD/GER/16                                                                                                                            Taariikh: 30.05.2016

Ku: Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani Germany
OG: Hogeenka Xisbiga Waddani Laanta Germany
OG: Hogaanka Xisbiga Waddani ee Qaarada yurub
OG: Hogaanka Guud ee Xisbiga Waddani iyo Xarunta dhexe Hargeysa

Ujeedo: Fulinta Wareegtadii Kasoo Baxday Hogaanka Xisbiga Waddani
Waxaan halkan ugu soo gudbinayaa Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha ay warqadani kusocoto iyo Madaxda Xisbiga Waddani ee Ogaysiinta ku lehba, go,aamadii kasoobaxay fulinta wareegtadii kasoo baxday Xafiiska Xarunta Guud ee Xisbiga Waddani 11.05.2016 ee uu ku Saxeexnaa G/Xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ee ujeedadeedu ahayd qabashada Shirarkii  laamaha dibadu ay ku dooran jireen hogaamadooda, siloo dardar geliyo Xafiisyada Xisbigu

kuleeyahay Dibada iyo Hawl wadeena-dooda.
Sidaa darteed hadaanu nahay Laanta Germany ee Xisbiga Waddani anagoo tixgelinayna wareegtadaa iyo Awaamiirta ay na farayso waxaa noo qabshoomay shirarkii hogaamada laamaha waxaanan  halkan idiinku soo gudbinayaa kulamadii ilaa hada u qabsoomay hogaanka  germany iyo laamihiisa iyo Xubnaha lagu doortay kulamadaa.
Hogaanka Sare Waxay Doorteen Xubnahan.
1-Xoghaye Guud Axmed Jaamac Ducaale
2-Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Khalid Cabdi Yusuf
Hogaanka Laanta Gobolka Bayern München Waxay  Udoorteen
3-Gudoomiyaha Gobolka Bayern  Faysal Axmed Siciid.
Hogaanka Laanta Gobolka Hessen Frankfurt Waxay Udoorteen
4-Gudoomiyaha Laanta Gobolka Hessen Axmed Hussein Aleel.
5-G/Xigeenka Laanta Gobolka Hessen Ismacil Haarun Hussein.
Waxaan Alle idiinka baryayaa inuu xilkaa laydiin doortay idinku asturo, idiina fududeeyo inshallah

Wabilaahi tawfiiq

Gudoomiyaha Guud ee Laamaha Xisbiga Waddani Germany
Muj: Hassan Farah Hirsi (hassan mataan)

Ceelgardinews.com

Berbera Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here