Laba Xubnood Oo Ganafka Ku Dhuftey Magacaabis Uu Xalay Madaxweyne Siiilanyo Ku Sameeyey Isla Markaana Iska Casilay + Magacyada Masuulyiintaas

0
234

Hargeysa (Ceelgardinews.com ):- Laba Xubnood oo ka mid ahaa Xubnihii uu xalay Madaxweynaha Somaliland Xilalka

u magacaabay ayaa ka cudur-daartay, kadib markii ay sheegeen inaan wax la tashiya lagala samayn Xilalkii uu Madaxweyne Siilaanyo u igmadday.

Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro), oo goor-dhawayd uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo u magacaabay guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ayaa ka cudurdaartay Xilka badhasaabnimada, waxaannu sheegay inaanu ku qanacsanayn talaabaddaas.

dgdg

Mudane Tiimbaro ayaa waxa uu sheegay inaan lagala tashan Xilka badhasaabnimada gobolka Maroodi-jeex, sidaa awgeedna waxa uu sheegay inaanu wakhti xaadirkan diyaar u ahayn jagaddaas.

Dhinaca kale, Khadar X. Yuusuf Cabdillaahi oo isaganna loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa la sheegay innuu ka cudur-daartay xilkaas uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo si dhaw ula socday Mudane Khadar X. Yuusuf Cabdillaahi, waxay noo tibaaxeen innuu Mudane Khadar uu xilkaas ka cudurdaartay, isla markaanna diyaar u ahayn uu xiligan qabto Maamulka Wasaaraddaas cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here