Loolanka Guddoomiye-nimada Xisbiga Kulmiye Oo Kor Ukacay Iyo Raga Isku Haysta Hadiiba Madaxweyne Muuse Biixi Wareejinayo

0
337

Hargeysa( Ceelgardinews.com )-Loolanka iyo tartanka loogu jiro hanashada guddoomiyenimada xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa cirka isku shareeray.

Image may contain: 4 people, including Cabdiqadir Muuse-taydh

 

Iyada oo uu hore shaaciyay in xilka guddoomiyenimada u tartamayo wasiirkii wasaaradda qorshaynta qaranka ee xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Maxamed Aadan Qabo ayaa waxa isaguna daraad shaaciyay in uu tartamayo xilkaasi Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde.

Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde oo saaxiib dhaw yihiin Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu sheegay in uu yahay in ugu haboon xilkaasi Madaxweyne Muuse Biixi cabdi waxaanu yidhi “Muuse Biixi dabadii waxa aan is leeyahay waxa aad tahay ninka kaliya waa tuhunka dee nin waliba wuu is tuhunsan yahay in aan wax qaban karo anniga laftaydu tuhun badan ayaa igu jira, haa waan u tartamayaa” ayuu yidhi Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Cali Xisri Obama oo ka mid ah kaadiriinta KULMIYE ayaa shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in aan la gaadhin wakhtigii loo tarmayay guddoomiyenimada xisbiga waxaanu yidhi “anigu u tartami maayo wakhtigeedana ha la gaadho iminka ayay dawladdani bilaamatay guddoomiyaha xisbiga waa Madaxweynaha iyo guddoomiye ku-xigeenka xisbiguna waa waa Maxamed Kaahin labaduba waa laba oday oo waaweyn doorashadu marka ay timaadana dee xaq ayaa loo leeyahay laakiin anigu shakhsiyan nin isku sharaxaya ma ihi marka waxa aan qabaa marka ay timaado ciddii isku sharaxay way furan tahay oo xisbigana waa xisbi laga dhex tartami karo waanan ku boorinayaa in la tartamo laakiin anigu waxa aan inay deg-deg tahay in iminka laga hadlo” ayuu yidhi Xildhibaan Obama.

Iyada oo ay jiraan siyaasiyiin kale oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa jooga oo uu hunguri kaga jiro guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE ayaa waxa maalmahan la dareemayaa xaraarada tartankan xilkan, waxa sidoo kale jira is kooxaysi ka dhex-bilaamay xisbiga gudihiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here