Ma Burburka Itoobiya mise Badwaynta Dunida kusoo Fooleh,,,,,,?

0
406

Ma Burburka Itoobiya mise Badwaynta Dunida kusoo Fooleh,,,,,,?

Todobaadadii lasoo dhaafay waxaa faalooyinka siyaasadda dunida soo galay war ay Reer galbeedku faafinayaaan oo sheegaya inuu dalka itoobiya burburayo. labada hogaamiye ee isku qoomiyada kasoo jeedana midkood meesha laga saari doono =la. khaarajin doono. waa Raiisal wasaare Abbey Axmed iyo 33 jirka kacdoonka horkaacaya Maxamed Jawhar.e

Hadaba hadaynu laba u kala qaadno labadan doodood ee is huwan oo aynu ku horayno dooda odhanaysaa waxa laga yaabaa inuu burburo dalka itoobiya iyo khaarajinta labada hogaamiye horta dooda odhanaysa midkood ayaa laga takhalusayaa waa dood ay reer galbeedku cod.baahiyaha u sidaan oo salka ku haysa dano ay iyagu leeyihiin oo ay Abbey Axmed fulintooda ay kusoo gacan siiyeen Mr Abbey isaganu uu iska mashquuliyay,

Islamarkaana ahaa inuu Abbey Axmed meesha ka saaro dhamaanba xidhiidhada ganacsi ee ay itoobiya la leedahay Dawladdaha Reer Bariga ee ay ugu horayso Dawladda Chaina dalka Jaynaha ayaa ah dalka kasoo saaray Gaasta dalka itoobiya marshuuca shidaal qodista itoobiya ayaa ah mid ay aad uga sindheen xuluufada reer galbeedka oo uu maraykanku horkacaayo.

Waxana macruuf ah inuu hogaamiyaha kacdoonka itoobiya Mr Maxamed Jawhar ay Dawladda Maraykanku gacan kuleedahay amaba uu yahay arday Maraykan taasina waxay dareen wayn kuyeelanaysaa tuhunada ah inay maraykanka iyo R/W Abbey Axmed xurguf siyaasadeed soo dhexgashay oo ay kacdoonkan daaha dabadiisa ka maamulayaan xuluufada uu maraykanku budh tuurka u yahay,

Waxana jiray tuhuno hoose oo hore oo tibaaxayay inuu maraykanku gacan saar hoose oo dhaqaale uu laleeyahay jabhado caqabad ku ahaa shidaal qodista dalka itoobiya tuhunadaas oo gaadhay heer ay Dawladda Maraykanku xukumadda Somalia kaga cadhootay gacan gelintii dalka itoobiya loo gacan geliyay Cabdikariim Sh Muuse Qalbi,dhagax oo ay xukumadda farmaajo gacanta u gelisay Dawladda itoobiya

Hadaba marka aynu soo koobno hadaynu is dultaagno erayga wejiyada badan ee sheegaya in labada hogaamiye midkood waddada laga leexin doono ayaa u muuqata baqa gelin iyo barabagaando ay Mr Abbey Axmed isleeyiin bal inuu ina xagiina usoo debco taasina waxay muujinaysaa inaan Maxamed Jawhar qudhiisa aanay dan dhab ah oo uu leeyahay aanay ku garab taagnayne ay awrkooda ku kacsanayaan labadooda kii u kicinaaya awrkoodaba uu kii kale yahay.

Waxana jiray warar todobaadkii hore soo baxaayay oo sheegaya inuu Mr Maxamed Jawhar uu ka degay dalka ruushka iyadoo aan si rasmiya loo sheegin socdaalka Mr Jawhar ee dalka ruushka waxa uu daaranyahay balse jagida siyaasadda ee bad xidhanka badan iyo dhulucdhulcda lafta ayaa ah mid suuragal ka dhig karta shax cusub iyo layli goobalay aan dheesheeda la filaynin madaaba uu debed meer ka faramadhan awoodaha dawladeed.
waxana aanu shaki kujirin in maraykanku uu itoobiya u haystay gobol maraykanka kamid ah oo geeska Africa kuyaala balse waxa taa beenisay oo meesha ka saartay maahmaadii somaliyeed ee odhan jirtay dan baa reer guuraa.

Sikataba ha ahaatee xaalada cabsida ah ee ay baahinayaan idaacadaha ku hadla codka danaha reer galbeedka ayaa cayn wareega Dunida kusoo foole kolba Fm.ta ku shidaaya halka ay dani kaga xidhanto waxana jirta xaalado kala guur ah ay ay guud ahaanba dunidu wajihi doonto 3 sanadood ee soo socda iyadoo marka dagaalka dalka Suuriya ka socda ee soo bilaamay 2011kii uu gaadho 12 sanadood waxaana ay cabsi badani la deristahay Dawladdo Bariga Dhexe ah.

Mana awaalka iyo Arti.ga siyaasadda
Lasoo Q2aad…
Fahan isticmaalka Facebook

W/Q Sacad Cali kaahin Balaaki

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here