Maal-qabeenka Caanka Ah Ee Cabdiraxmaan Boorre Oo Ka Muusooday Xukun Loo Dheg-taagayay Oo Ay Soo Saartay Maxakamad Ingiriis Ahi

0
342

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Go’aanka Maxkamadda oo muddo dhawr sanadood ah soo jiitamayay, ayaa noqday mid si weyn uga farxiya Gacansade Cabdiraxmaan Boore oo ah maal qabeen shirkaddo waaweyn oo caalami ah, isla markaana dacalada dunida ka shaqeeya leh, kuwaas oo mudadii dacwadu socotay laga xanibay inay wax dhaq-dhaqaaq ah sameeyaan. kadib markii Xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ku eedaysay inuu dhacay malaayiin dollar mudadii uu Cabdiraxmaan Boore ahaa maamulaha Dekedda iyo Soonka xorta ah ee Djibouti.  Hase yeeshee garsooraha dacwada qaadayay, ayaa ku dhawaaqday in dacwadaha ka dhanka ahaa ganacsadaha oo ka koobnaa dhawr iyo labaatan qodob, kuwaas oo eedaynayay , isla markaana lagu xanibay ganacsigiisa iyo shirkadihiisa ay guuldaraysteen dacwadahaasi. Maxkamadda, ayaa sheegtay in wax dambi ah lagu waayay ganacsade Cabdiraxmaan Boreh iyo shirkadihiisa, kadib markii ay cadaan waayeen eedo u badnaa musuqmaasuq iyo inuu lunsaday lacagihii qaranka si uu naftiisu ugu faa’iideeyo, balse la waayay wax muujinaya inuu ganacsade Cabdiraxmaan Boore galay denbiyada lagu eedeeyay ee Xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ku waday.  Wakiilo ka socday Xukuumadda Djibouti oo ahaa Qareenadii u doodayay dowladda , ayaa saaka markii ay soo xaadireen maxkamadda sheegay in aanay dood ka qabin go’aanada xaakima, isla markaana ay ogolaadeen natiijada go’aanka Maxmakadda ee Garsoorka Guud ee Britain. Dhinaca kale ganacsade Cabdiraxmaan Boreh oo u warramay Idaacadda BBC-da laanteeda Afsoomaaliga, ayaa ka dareen celiyay go’aanka Maxkamadda, wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay go’aankaa oo uu sheegay inuu yahay mid uu awalba filayay, wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay Qoyskisia, gaar ahaan gabadhiisa iyo caruurtisia oo sida uu sheegay mar walba ku dhiiri gelinayay mudadii afarta sanadood ahayd ee hantidiisu xayirnayd sababo la xidhiidha dacwadaa ay ku garab taagnaayeen inuu sii wado si uu meesha uga saaro waxyaabaha lagu eedaynayay ee aan waxba ka jirin iyo inuu difaaco dhinaca sharciga shirkadihiisa iyo sumcada shaqsiyadiisa iyo hganacsigiisa. Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo kasoo jeeda qoys caan ka ah ganacsiga oo geeska afrika iyo meelo kale oo dunida ah ganacsigiisu ku baahay, isla markaana ay saaxiibo dhow ahaayeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ka hor intii aanay kala fogaan, kadib damac siyaasadeed iyo hunguri ka galay siyaasada iyo hoggaanka dalka, taas lala xidhiidhiyo khilaafka isaga iyo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa hore u sheegay inuu siyaasada ka qayb qaadanayo, balse wuxuu markii uu soo baxay go’aanka maxmakaddu sheegay in aanu xiligan diyaar u ahayn siyaasada, isagoo sheegay in aanay jirin mabaadii ee siyaasada afrika ku dhisantahay hunguri, wuxuuna taas bedelkeeda sheegay inuu sii wadanayo ganacsigiisa iyo sidii uu mudadii dheerayd ee dacwada lagaga lumiyay uga soo kaban lahaa.  Dacwada u dhaxaysay ganacsade Cabdiraxmaan Boore iyo Xukuumadda Djibouti oo muddo afar sanadood ah soo jiitamaysay, waxa ku baxay lacag lagu qiyaasay $ 90 milan oo dollar, wuxuuna hore ugu guulaysatay sanadkii hore ganacsade Cabdiraxmaan Boore lacago xisaabadkiisa bangiyada Carabta iyo kuwo dalal kale oo Yurub ah ku jiray oo la xanibay. kadib Maxkamad dalka Djibouti ku taal oo hore ugu riday xukun xayiraad 15 sanadood shirkadiisa ah iyo xanibaad hanti gaadhay $ 100 Million, taas oo ganacsade Boore ku gacansaydhay, isla markaana kiiskiisa u gudbiyay Maxkmadda Britain oo sanadkii hore daadifaysay go’aanka maxkamadda dawlada Djibouti, iyadoo ugu danbayntii soo saartay go.aanka gebi ahaanba waxba kama jiraanka ka dhigay eedihii dawlada Djibouti wadatay.