Maamulka Galmudug Oo Lagu Soo Rogay Xaalad Deg Deg Ah Oo Wakhti Dheer Socon Doonta

0
279

Muqdisho( Ceelgardinews.com ):-Madaxweynaha maamulka goboleedka Somaliya Ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay guud ahaan deegaanada maamulkaasi.

Wareegto ku taariikhaysan maalintii shalay balse maanta la soo saaray ayaa lagu shaaciyey in guud ahaan deegaanada kala duwan ee maamulka Galmudug lagu soo rogay xaalad deg deg ah, iyada oo lagu soo beegay wakhti qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Xaalada deg dega ah ee lagu soo rogay maamulka Galmudug ayaa la sheegay inay socon doonto mudo 90 cisho ah, iyada oo ciidamada amaanka ee maamulkaasna lagu