Maamulka gobolka Hiiraan oo soo saaray amaro xasaasi ah iyo Taliska Booliiska oo soo dhaweeyay

0
272
messenger sharing button
whatsapp sharing button
email sharing buttonMaamulka gobolka Hiiraan ayaa soo saaray amaro cusub oo ku saabsan dhinaca amniga magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa lagu faray shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyne 5 qodob oo la xiriira xaqiijinta amniga mavaalada Baledweyne

Awaamiirta cusub ee kasoo baxday Xafiiska guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka mid ahaa inaan gudaha magaalada lagu dhex arki karin qof hub ku dhex wata, gaadiidka muraayadaha madow leh inaan la arki karin iyo baakinada gadiidka ee wadada dhinaceda iyo amaro kale.

Dhinaca kale Taliska Booliiska degmada Baledweyne ayaa isna soo saaray qoraal kale oo uu ku sheegayo iney soo dhaweynayaan awaamiirta kasoo baxday Xafiiska guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Hoos ka akhriso qoraalada oo faahfaahsan:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here