Maanso : Abwaan Laab-Saalax oo Maanso Baroor diiqa u tiriyey Xaaji Cabdi Waraabe

0
390

Maanso Baroor diiq ah oo uu Abwaan Laab-Saalax u tiriyey Alle haw naxariistee Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen – Cabdiwaraabe .

 

Dhanbaalku Xumaa, Dheguhu maqlayaan
Warkiyo dhacdadiyo, Dhiiladu ba’anaa
Dhalaan iska daa, ilmadu ka Dhacdee
Haday dhagaxdiyo, dhulkuba hadlayaan-
Tiirkaa dhacaybaa, Umado Dheerayn!

Markay Dhabaqdee, Taladu Dhacantee
Nin xuni dhirta iyo, Dhufayska Galee,
Qoryaha laba dhaca’ intay dhufsadaan
Makasta dhoohani, ku dhiiran jireen
Duqii dhab ahaan, samaha u dhashee
wixii dhib yimaad, dhamayn jirayee
Nabada dhidibkiyo, salkaba u dhigaa.
aakhiro u dhurtoo, xabaal la dhigee-

Muxuu dhagar Baajay, dhiig Qulquloo
muxuu dib u dhigay, balaayo dhacdoo
si ay u dhaqdaan, dadkani u dhistaan’
dheelkiyo Qabawgiyo, Dhaxamo u maroo-
U soo Jilib dhigay, Dharaara adkaa, –

Xaqiyo Dhimashada, Adaa Dhigayoo-
Adoonka ka Dhaafa, Dunuub ka dhacdoo
Dhankaaga Adaan, Rabboow dhawrnoo
Dhamaan Gacmaan, Ku hoos Dhiganee-
Rabboow Dhaxalsi, Dhawaaqa Sanoo-
Rabboow dhibyaraan, dhexgee janadii .