MAANSO : SAADADA BERBERA ,Curiye Agaasime Jamaal Cabdi Muuse

0
364

SAADADA BERBERA: Gudbinta Suugaan Kooban,
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Waa curin ka dhalatay xasuustii tagtada iyo carinta taaganta, waa tilmaamo kooban oo muujinaya horumarka, gobanimada iyo xuska saaxiibadii beri samaadka iyo Berbera. Wa sheegmada shaqadda qaran ee aan maanta u tagay Berbera iyo xuska halbeeg samaanta guddiga Qandaraasyada Qaranka. Waa war bixin ku socota saaxiibbo haldoor ah. Hadaba, saaxiibbayaal ila dhugta si sheegta Curinta kooban ee SAADADA BERBERA:

• Dal jiraagii suugaan,
• Sidaartiyo si dalagaha,
• Sarbeebtiyo sifeynaha,
• Soofe iyo Bustaale iyo,
• Sugule iyo, Rashiid, Xasan,
• Saki, Baar-caad iyo Dhidar,
•Samawade Jimcaale iyo,
• Xildhibaan Saleebaan,
• Axmed iyo Digtoor sare,
• Marka hore salaan guud,
• Saaxiib guddoonsada.

• Kolka xiga socdaalkii,
• Saaka iyo Jarmaadkii,
• Saadadii Berbera iyo,
• Daaroole surimada,
• Sakaddaha is dabayaal,
• Sarta daaraheediyo,
• Soo xidho cunaabida,
• Halkay Saado tidhi beri.
• Badda cagaha soo gali,
• Saw ma aadin xeebtii.

• Khadarow Sidoo kale,
• Saw il-qoodhu may qaban,
• Laamiyadda sibaakha ah,,
• Kala Soorkii Burco-sheekh,
• Shacabka iyo suuqyada,
• Barwaaqiyo Sabaadlay,
• Moosko iyo Sariibadda,
• Jaamalaaye sayladda,
• Dekeddaha siraadmiyo,
• Saldhigyada dhaqaalaha,
• Gobta sooryadeeda iyo,
• Ilbaxnimo iyo Sooyaal,
• Horta Maad La socotaan?..

• Cabdow beri samaadkii,
• Saw màandhe maan tebin,
• Maanku saw ma soo gocan,
• Deeq iyo Sakariye iyo,
• Cawil iyo Siyaad iyo,
• Dabkii tiro sagaalaad,
• Saddexlayda kooxdii,
• Amma Botorka Saylici,
• Saqda dhexe u gudi jiray,
• Soortiyo Baraadkiyo,
• Kalluunkii cartami jiray,
• Saw duhurkii maan arag.

• Gabagabada Saaxiib,
• Saw guddi garsoor wacan,
• Saaxil tartan kuma qaban,
• Aniguna sidaad garan,
• Saw maanta shaqo qaran,
• Ma sargoyn ka qayb gale
• La socdiyo ka goob joog,
• Saw heedhe saaxiib,
• Qandaraas sugnaan bixin,
• Soo saarkii Biyo badan,
• Qabashada kuwaa socon,
• Amma Dhibica soo dhaca,
• Saw maaha sharaf qaran,
• Hoggaan Suuban balan fulin..

Curiye Jamal A. Muse,