Maayarka Magaalada Berbera Oo Amar Ku Siiyay Ciidamada Booliska Inay Soo Wada Xidh Xidhaan Wariyayaasha Madaxa Banaan Ee Ka Hawl Gala Berbera Iyo Magacyada Saddex Wariye Oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
284

Wararka naga soo gaadhaya magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil ayaa sheegaya In maayarka degmada berbera amar ku siiyay ciidamada booliska inay soo wada xidh xidhaan wariyayaasha madaxa banaan ee ka hawl gala magaalada berbera.

Waxaana saaka xabsiga dhexe ee magaalad berbera loo taxaabay wariye Mubaarig Nirig oo ah wakiil wareedka muuqaal baahiyaha Startv kaasi oo sida wararku kusoo gaadhayaan shabakada wararka ramaasnews ay sheegayaan inuu saaka booqasho ugu tagay saldhiga laba saxafi oo iyaguna hore uu xidhnaa oo kalaa wakiil wareedka muuqaal baahiyaha Somnews Cabdiraxmaan Maxamed Cige iyo waliba Axmed Siciid Maxamed oo isna ah wakil wareedka tvga Kalsan ee magaalada berbera,balse markii uu tagay saldhiga isaga la xidhay lana sheegay inuu soo dacweeyey maayarka berbera.

Waxaana wararku intaa ku daryaan in isna lagu daba jiro wariye Maxamed Cabdilaahi Soofadhiiste oo ah wakiilka somalichannel TV u jooga berbera kaasii oo gudoomiyaha C.I.D ku amray inuu yimaado xarunta C.I.D-da laguna haysto dacwad uu soo gudbiyaya duqa degmada berbera Cabdishakuur Cidin.

Kiiska wariyayaashan loo haysto ayaa ah sida naloo sheegay inuu maayarku ka cadhooday muuqaal ay baahiyeen wariyayaashu oo ah xildhibaan kamida golaha deegaanka berbera oo lagu magacabo Saleeban Cali Khayre oo isagu hadal ka jeediyay darad madashii lagu soo dhawaynayy waftigii imaaraadka ka yimi ee ka socday shirkada la wareegtay maamulka dekeda berbera.

Xadhigan uu maayarku kula kacay waariyayaasha ayaa kamid ah cabadhinta lagu hayo saxaafada madaxa banaan eek a hawl gasha gudaha dalka Somaliland iyada oo aanay jirin sifo sharci oo loo maray xadhiga wariyayaashan.

Saddexda wariye ee hada xabsiga ku jira ayaa kala ah

  • Saxafi Axmed Siciid Maxamed Wakiilka Tv-ga Kalsan xaruntiisa Berbera
  • Saxafi Cabdiraxmaan Maxamed Cige Wakiilka Tv-ga Somnews xaaruntiisa Berbera
  • Saxafi Mubarik Cismaan Siciid (Nirig)Wakiilka Tv-ga Star xaruntiisa Berbera
  • Waxaana isna loo yeedhay oo la amray inuu isa soo dhiibo Saxafi Maxamed Cabdilaahi Soofadhiste oo ah wakiilka Tv-ga Somalichannel xaruntiisa Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here