Maayirka Berbera oo Safar Qarsoodi ah Kaga Daba-tegay Wafti Madaxweyne ku xigeenka ee ku Sugnaa Dubai+ Tuhunada la Xidhiidha Ujeedada loogu yeedhay Iyo Maayirka oo ka Arradan Luuqadaha Ingiriisiga, Carabiga

0
300

Maayirka Berbera oo Safar Qarsoodi ah Kaga Daba-tegay Wafti Madaxweyne ku xigeenka ee ku Sugnaa Dubai+ Tuhunada la Xidhiidha Ujeedada loogu yeedhay Iyo Maayirka oo ka Arradan Luuqadaha Ingiriisiga, Carabiga..

Berbera( Ceelgardinews.com )-Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (cidin) ayaa Safar qarsoodi ah ugu ambabaxay Dalka isku tagga Imaaraadka Carabta,
halkaasoo ay sii joogeen Waftiga ka tirsan Xukuumadda oo u hoggaaminaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, isla markaana Magaalada Dubai u jooga horu-socodka sii amba qaadka heshiis dhex maraa Shirkadda Dp World iyo Xukuumadda Somaliland.
Waftigii hore ee ku sugnaa Dubai ayaa iskugu jiray Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Saylici, koox wasiiro ah iyo Maareeyaha Dekedda Berbera md. Axmed Diriir.
Haddaba Su”aalo badan ayaa ka dhashay Safarka uu Maayirka Berberi kaga faba tagay Waftiga ku sugnaa Dubai, iyadoo laga shakiisan yahay ujeedka la daba geeyey iyo shaqada u qaabilsan yahay ama doorka uu ku yeelanaayo hawlaha Shirkadda iyo Xukuumaddu ka wada hadlayaan.
Sidoo kale, xogaha la xidhiidha Safarka Duqa Berbera ayaa tibaaxayaa in Shirkadd Dp World shuruud hor dhigtay waftiga, isla markaana ay dalbadeen  in deegaanka Dekeddu ku taalo dadka degen laga soo dhaadhiciyo mawqifka Wareejinta Dekedda.
Markii ajandaha shirkaddu hordhigtay waftiga, ayey degdeg Fise ugu dalbadeen Maayirka Berbera, kaasoo ay u kaxaysteen inuu maslaxaad ula tago Shirkadda Dp World.
Ma jiro war si cad daboolka uga qaaday safarka uu Maayirka berberi kaga daba tagay Waftiga Dubai ku sugan, hase-yeeshee wararka hoose ee laga helaayo waxay tibaaxeen inay shirkaddu dalbatay sidii ay xog dheeraad ah iga hesho deegaanka Dekeddu ku taalo.
Si kastaba ha ahaatee, Maayirka Magaaladda Berbera ayaan lahayn aqoon buuxda isla markaana la sheegay inaanay isku wanaagsanayn xaga Luuqadaha ajenebiga lagula hadlo,
arrintaasoo keenaysaa hadii uu isku dayo inuu Shirkadda Dp World xog ka siin lahaa xaaladda deegaanka ay caqabad ku tahay.
Waftiga Xukuumadda ee ku sugan Dubai ayaa laba cisho kulamo la qaatay Saraakil ka tirsan Shirkadda Dp World, waxana la sheegay in aanay kulamadoodaas kasoo bixin natiijo tilmaamaysa in wax la isku afgartay.
  Xigasho Shabakada Wararaka (Xogreebnews)