MAAYIRKA DEGMADA BERBERA WAXA UU SI QAYBYAALADAYSAN UGU KALA HIILIYEY LABA MASUUL OO DHALIYARO AH OO W/KH/ BIYUHU U SOO MAGACOWDAY MAREEYAHA WAKAALADDA BIYAHA BERBERA.

0
315

Waxay ahayd bishii labaad ee sanadkan markii uu wasiirkii hore ee wasaaradda khayraadka biyuhu mr. Baashe uu u soo magacaabay mareeye wakaalada biyaha berbera, Mr. khaddar maxamed caalin oo ah nin aqoonyahan dhalinyaro ah oo aad u firfircoon, deegaan ahaana ka soo jeeda gobolka saaxil ayaa waxaa xilwareejintii iyo shaqadii ay wasaaraddu u soo igmatay ka hor istaagay maayirka degmada Berbera Mr.( Cidin) isaga oo u sheeganaya awooda maayirnimo ee uu leeyahay una soo adeegsaday xeerar aan jirin oo uu sheegay maayirku in uu isaga xukumo wakaalada biyaha ee Berbera halkaasna ugu diiday in ninkan dhaliyarada ahi noqdo mareeye.
Isla sanadkan gudihiisa bishii shanaad ee aynu soo dhaafnay ayaa waxay mar kale wasaarada khayraadku biyuhu soo magacowday mareeye kale oo ay isku reer yihiin maayirka degamada Berbera Cabdi shakur maxamuud Cidin oo lagu magacaabo Mr. maxamed ahmed, ka dibna mr cidin ayaa ka maquurtay kana meermeeray in uu is hortaago sidii uu isku hortaagay maareeyihii hore (Mr. khaddar) ugu danbaytiina u ogolaaday in mr. maxamed Ahmed noqdo mareeyaha wakaalda biyaha kaas oo haatana ah maareeyaha wakalada ee xiligan.


Hadaba dhacdadan uu ku talaabsaday maayir cabdi shakuur cidin ee uu u soo kala dhawaystay labadan masuul isagoo oo garabka saaray masuulkii ay isku reerka ahaayeen ayaa waxay noqonsaa mid sare u qaadaysa kala fogaanshaha beelaha walaalaha ah ee wada degga gobolkan saaxil gaar aah beesh (ciise muuse) gudihiisa.
Hadaba waxaan u soo jeedinaynaa masuuliyiinta, cuqaasha, siyaasiyiinta gobolka saaxil in ay waxka qabtaaan una caqli celiyaaan dhacdadan foosha xun ee uu sameeyey maayir cabdi shakuur maxamuud xasan (cidin) , arrinkan ayaa hadii aan wax laga qaban keeni kara in ay kala fogaandaan beelaha walalaha ah ee gobolka saaxil gaar ahaan beesha ciise muuse gudiisa.
Qoraa Ahmed Jaamac Cadaani
Contct number: 0634042144

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here