Mad-Madow Soo Kala Dhex Galay Wasiir Sacad Iyo Madaxtooyada Oo La Xaliyey + Halka uu daarnaa khilaafku .

0
302

Hargeysa ( Ceelgardinews.com ) :-Madmadow iyo Isfahan waa’ siyaasadeed oo dhawaanahan soo kala dhex galay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu guulaystay in la dhammeeyo isagoon meel fog gaadhin.

Warar soo baxay khamiistii, ayaa tilmaamay inuu xoogaystay kala aragti duwanaansho labada dhinac ah oo sababi gaadhay in Wasiir Sacad is casilo amaba madaxtooyadu xilka ka qaado, ka dib waraysi uu wasiir Sacad siiyay saxaafadda oo uu kaga hadlay dareen ay dawladda Itoobiya ka qabto saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabta.

Hase yeeshee warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in odayaal ka soo jeeda deegaanka Wasiir Sacad ay ku guulaystaan inay damiyaan Isfahan waa’ga labada dhinac, ka dib markii ay kulan isugu geeyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Sacad Cali Shire oo lagu tilmaamo Wasiir daacad ah islamarkaana hawlkar ah.

Wasiir Sacad oo uu Ceelgardinews  isku dayay inuu arrimahan wax ka weydiiyo ayaanay noo suurtogelin.