MADAL UU XILKA KULA WAREEGAY AGAASIMAHA CUSUB EE WASAARADDA KALLUUMAYSIGU IYO MACNAHA KAFTAN DUUR-XUL AH OO KHUDBADIISA KU LADHNAA

0
299

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Agaasimaha guud ee cusub ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka badaha Somaliland Dr. Fu’aad Cabdisalaan Xasan ayaa xilkii kala wareegay agaasimihii hore ee wasaaraddaasi Jaamac Maxamed Odowaa oo kamid ahaa xubnihii dhawaan ay isku shaandheyntii madaxweynuhu galaafatay.

Munaasibaddan oo ahayd mid si milgo leh loo soo agaasimaha oo shalay lagu qabtay xarunta wasaaraddaasi ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiinta kala duwan ee wasaaraddaasi oo uu hoggaaminayo, Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badda Maxamed Jaamac Buureed, wasiir ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaaciil (Cabdi-wadaad),  Agaasimaha Xilka wareejinayay ee wasaaraddaas,

hawl-wadeennada iyo masuuliyiinta kala duwan ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo marti sharaf kale. Sidoo kale waxaa madashan goob joog ka ahaa oo lagu marti-qaaday masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland  oo gelbinayay agaasimaha cusub, waxaana ka mid ahaa wasiiru dawlaha wasaaradda madaxtooyada JSL Maxamed Muuse Abees iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye)

lataliyaha madaxweynaha ee amuuraha bulshada Maxamed Iid dhimbiil iyo qaar kamid ah mujaahidiintii halgankii dib u xoreynta qaran ee SNM Hormuudka ka ahayd iyo marti sharaf kale. Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta ee wasaaraddaaasi Jaamac Axmed Cismaan oo furitaankii xafladda ka hadlay ayaa soo dhaweeyey agaasimaha cusub ee Madaxweynuhu dhawaan u magacaabay wasaaraddooda Dr. Fu’aad Cabdisalaam Xasan, “Marka hore waxaanu madaxweynaha JSL uga mahad naqaynaa inuu magacaabista agaasimaha guud ee wasaaradda noogu soo magacaabay nin dhalinyar ah,  isaga oo weliba inta badan qayb siiya dhalinyarada marka ay noqoto fursadaha xilalka qaranka”. Sidaa ayuu yidhi agaasimaha maamulka ee kalluumaysigu,

sidoo kale waxaa uu sii sagootiyey agaasimihii hore ee xilka wareejinayay  kaasi oo muddadii uu xilka hayay uu ku majeertay wada-shaqayn hor leh iyo waxyaabo uu ku soo kordhiyey wasaaradda. Taasi bedelkeeda waxaa uu agaasimaha maamulku qalbi furan ku qaabilay agaasimaha cusub ee Kalluumaysiga oo uu u rejeeyey  in ay wada-shaqayn fiicani dhex mari doonto isaga iyo hawl-wadeennada kale,

kuwaas oo uu sheegay in isaga oo wakiil ka ah ay u ballanqaadayaan in ay xilka ku garab geli doonaan.  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddaha Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil (Cabdi-Wadaad) oo isaguna madasha hadallo kooban ka hadlay ayaa nuxur ahaan guud mar ku sameeyey shaqada ay wasaaraddani qaranka u hayo iyo muhiimadda ay leedahay,

maadaama ay xukuumadda iyo shacbigaba uga mas’uul tahay sidii loo dhiiri-gelin lahaa tacabka badaha iyo horumarinta xeebaha dalka oo kheyraad badani ku duugan yahay. Wasiir Cabdi-wadaad waxaa uu carrabka ku adkeeyey qaradka iyo miisaanka ay wasaaraddani leedahay isaga oo agaasimaha cusubna ku majeertay mas’uul da’diisa ka sokow hawl-kar kasoo dhalaali doona shaqadiisa.

“Wasaaraddu waxa ay qabataa oo ay mas’uul ka tahay meel kasta oo ay baddi ku taallo, taasina waa hawl adag agaasimaha cusubna waxaan u arkaa nin hawl kar ah oo ka soo baxaya, shaqadan loo dhiibayna waa mid aanu garab taaganay oo shaqada wasaarada sida wada jira ah ayaa wax kasta loo wajahaa”.

Agaasimihii Hore ee Wasaarada Kalluumaysiga Somaliland Jaamac Maxamed Odawaa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu xilku meerto yahay oo maalinba Qofkii Hanan Karo loo dhiibayo. Agaasime  Odowaa ayaa xil-wareejintiisa ku ladhay tallooyin la xidhiidha horumarinta xeebaha Somaliland oo uu sheegay in ay mashaariic horumarineed oo badani xilligan ay ku soo dhiirradeen in ay maalgeliyaan badaha Somaliland “Waxaan leeyahay mashaaricida wixii horumarin iyo dhiirigelin ah,

ha noqoto mid caafimaad, mid waxbarasho iyo kuwo kale oo horumarineed  ayaa waqti xaadirkan soo dhiirraday oo doonaya in ay maalgelin ku sameeyaan xeebteenna iyo baddeena oo dhan”, sidaa ayuu yidhi Dr. Odowaa, waxaanu intaa ku daray “Markaa taasi in laga hor yimaado maaha ee waxaan ku leeyahay oo aan ku talinayaa halla shaqeeyo oo yaan laga hor imanin mashaariicdaas ay dawladdu waddo”. Gebogabadii  hadalkiisa, agaasimaha hore waxaa  uu hawl-wadeennada wasaaradda ku dardaaray in ay si fiican ula shaqeeyaan Agaasimaha cusub.

Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga Maxamed Jaamac Buureed oo gebogabadii xaflada xilka u kala wareejiyey labada agaasime ayaa khudbad kooban oo uu madasha ka jeediyey soo dhaweeyey agaasimaha cusub isaga oo dhinaca kalena sii sagootiyey agaasimihii hore “Jaamac, waxaan leeyahay sidaad uga mid ahayd markii hore wasaaraddan ayaad immikana uga tirsanaan doontaa oo wasaaraddu waa wasaaraddaasi, gaasimaha cusubna waxaan leeyahay soo dhawaw waxaanu kuu rejeyanyanaa in illaahay shaqada kuu fududeeyo”. Ayuu yidhi Wasiir Buureed

Dr. Fu’aad Cabdisalaan XAsan,  Agaasimaha guud ee cusub ee xil-wareejintiisa loo ciyaar-tumayay ayaa isaguna khudbad kooban oo mahad-naq iyo dhiirigelin u badan ka jeediyey madasha, “Marka hore Illaahay baa mahad leh, marka labaadna waxaan doonayaa inaan madaxweynaha JSL uga mahad celiyo magacaabista uu ii magacaabay xilka wasaaraddan. Xilku run ahaan waa masuuliyad culayskeeda leh oo xataa sida uu Illaahay SWT Inoo sheegay ay qaadistiisa diideen buuruhu, taas oo bani aadamka imtixaan ku ah alle ku qiimaynayo sida ay uga soo baxaan ammaanadiisa”. Sidaa ayuu yidhi Agaasime Fu’aad Cabdisalaan Xasan, waxaanu intaa ku daray “xilkani sida aan aaminsanahay waa fursad uu madaxweynuhu siiyey dhalinyarada JSL, taasoo bar bilow u ah   jaranjarrada ay ka kori lahaayeen kaqayb galka talada dalka iyo sidii  ay u hiigsan lahaayeen derejooyinka ugu sareeya ee xilka”. Ayuu yidhi agaasime Fu’aad.

IMG_3024AF-4C9AE5-8EF4F2-3AC2D5-D79F8C-67FB32-tile

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay qorsheyaasha agaasime guud ahaan uga meel yaalla shaqada wasaaraddan  “Agaasime guud ahaan waxaa iga go’an in aan shaqaallaha wasaaraddda kula shaqeeyo caddaalad iyo sinaan oo aan xidhiidh dhaw la yeesho, sidoo kale wasiirka iyo wasiir ku xigeenka waxaan rejaynayaa in shaqadayadu noqoto mid togan oo jaranjarteeda loo maro”.  Mar uu  Agaasimaha cusubi ka hadlay kala duwanaanshaha xilka wasaaraddan iyo xirfaddiisii hore, waxaaa isaga oo ku hal-qabsanaya tallooyin ay mas’uuliyiinta hadalka uga horreysay u soo jeediyeen uu yidhi “ Inkastoo xirfadaydu ahayd mid caafimaad oo aan muddo badan ku shaqaynayay,

haddana hawshan cusub ee kalluunka iyo badda, waxaan ka taagannahay halkii uu Abwaan Xuseen Xasan ka taagnaa ee uu lahaa “Abidkayba saar Iima qaban Suudh-dha doonyaha’e,

balse waxaan rejaynayaa inaan  la qabsan doono,  Cabdi-Wadaad [Wasiir ku xigeenka Kalluumaysiga] iyo Maxamed Muuse Abeesba, taladooda waan qaatay oo waan is bedelli doonaa,  Waxaanan leeyahay haddaynu [Cabdi-wadaad iyo Abees] Geella la innagu yaqaannay, Waxa aad horumar caalamku ku tallaabsaday  iyo isbedellka dunida ku garataa  in  la bartay Kalluunka oo la  cunayo marka geellayda loo diro badaha si ay uga soo shaqeeyaan, markaa wax badan baa is bedelay oo teknoolojiyadda ayaa saamaysay”.

Gebogabadii hadalkiisa waxaa uu Agaasimaha guud ee cusub ee wasaaradda kalluumaysigu u mahad naqay agaasimihii hore ee uu xilka kala wareegayo, Jaamac Maxamed Odowaa oo uu sheegay in uu kal iyo laab ugu soo dhaweeyey wasaaradda, sidoo kale waxaa uu u mahad naqay hawl-wadeennada wasaaradda

“waxaan shaqaallaha wasaaradda magan uga ahay wada shaqayn wanaagsan oo aynu wada yeellano iyo inaad baallasha aan ku duulayo noqon doontaa intaan kalluunka la qabsanayo. Wasiirkuna koley waa nin kasoo jeeda xeebaha iyo kalluumaysatada, waxaanan ka rejaynayaa in gacan qabashadiisa”.