Madaxtooyada oo amarku bixisay inaan cidi arag wariye shalay ay ka Qafaasheen badhtamaha Hargeysa+ Xarunta cid-da oo lagu xeeray ciidamo dheeraad ah

0
326

Madaxtooyada oo amarku bixisay inaan cidi arag wariye shalay ay ka Qafaasheen badhtamaha Hargeysa+ Xarunta cid-da oo lagu xeeray ciidamo dheeraad ah..

Hargeys(Ceelgardinews.com)-Madaxtooyadda ayaa amar ku bixisay inaan cidina indhaha soo saarin Gudoomiyihii Wargeyska Madaxa banaan ee Foore Cabdirashiid Cabdi waha. Kaasoo maalintii shalay ciidamada dhar caddu ka qafaasheen agagaarka aqalka madaxtooyadda.
Wariye Cabdirashiid ayaa laga hor-joogsaday Inay indhaha cidi soo saarto wariyaha shalay la qafaashay. Amarka lagu xidhay Wariye Cabdirashiid waxa la sheegay in laga soo bixiyey aqalka Madaxtooyadda. Kuwaaso ka gubtay warar maalmihii u danbeeyey uu daabacaayey wargeys ka foore, kaasoo si mugleh bulshada ugu iftiimiyey heshiiska dhaxal wareejinta dekedda Berbera.
Si kastaba ha ahaatee, Tallabadan ayaa kamid ah cabudhiinta, tacadiga lagu hayo bahda warbaahinta mudadii xukuumadda siilaanyo Talad dalka la wareegtay.
IMG_10E483-77774A-0D9E8D-AA0E38-67D7EF-B34126
XIGASHO XOGREEBNEWS.COM