Madaxtooyadda Oo La Sheegay In Ay Salluugtay Odoroska Miisaaniyadda Somaliland

0
339

Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee Khamiislaha ahaa ee Doraad ee uu Gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa la horkeenay Miisaaniyad sanadeedkan Sanadkan 2018-ka waxaana dood-dheer iyo falanqayn ka dib la isla gartay inay Wasiiradu wakhti u helaan ay ku soo akhriyaan islamarkaana dib la iskula soo noqdo.

Inkasta oo aanay Madaxtooyaddu warbixin ka soo saarin hanaanka miisaaniyadaasi hawsheedu u socoto iyo sababta dib loogu dhigay ansixinteeda wakhti dambe iyadoo ay Xukuumadda Muuse Biixi muddadii ay jirtay oo imika Afar bilood afka la gashay ay ku shaqaynaysay bilaa miisaaniyad islamarkaana ay intaasi socotay diyaarinteedu,ayaa haddana wararka Wargeyska Foore soo gaadhayaa ay sheegayaan inaanay Madaxtooyaddu la dhacsanayn qaabka ay Wasaaradda maaliyaddu u soo diyaarisay Miisaaniyadaasi marka loo eego wakhtiga badan ee ay haysatay, waxaana durba soo baxaya warar sheegaya inay jirto faashil loo tirinayo Wasiirka Maaliyadda oo sida laga dheegtay qaabka ay u taalo miisaaniyadu aan diyaarinta miisaaniyadasi u marin qaabkii ay Madaxtooyaddu u doonaysay, islamarkaana aan xilba iska saarin inuu aad soo qurxiyo.

Isku dhex yaac badan ayaa laga soo sheegayaa Miisaaniyaddan,waxaanay arintaasi keentay in Wasiiradda dib loogu celiyo si ay wax ka badel iyo sixis ugu soo sameeyaan iyadoo dhinaca kalena ay wararka qaar sheegayaan in Madaxtooyaddu go’aansatay,maadaama oo aanay wakhti u haysan dib loogu sii wad wado miisaaniyadda,in todobaadkan gudihiisa la soo celiya islamarkaana shir aan caadi ahay Golaha wasiiradu duub duub ugu ansixiyaan,iyadoo dhinaca kalena ay madaxtooyaddu aad u saloogsan tahay hanaanka uu Wasiirka Maaliyaddu u maray diyaarinta miisaaniyadaasi oo wax badan ka gadisan qaabkii ay Madaxtooyaddu u doonaysa in loo soo diyaariyo oo wasaarado ay ka mid yihiin kuwa wax soo saarka oo xukuumaddu doonaysay in dadaal badan lagaliyo sanadkan in miisaaniyadda lagu yareeyay.

Wararkan ayaa sheegaya in Golaha Wasiiradda khamiistii dhawayd markii loo qaybiya inay qaladaad badan ku arkeen oo dhinaca hanaanka ay u diyaarsan tahay miisaaniyaddu ah, waxaanay taasi keentay in guux badan badan,Dood iyo su’aalo badan kadib in la isku waafaqo inuu Si qoto dheer wasiir waliba u soo akhriyo islamarkaana todobaadkan dib la iskula soo noqdo. Inkasta oo aanay la dhacsanayn haddana Waxa ay madaxtooyaddu ku dadaalaysaa inaanay mar kale dib u sii jiitamin ansixinta Miisaaniyaddo oo ay todobaadkanba u gudubto dhinaca Golaha Wakiiladda si ay waajibkooda dastuuriga ah uga gutaan.

Wasaaraddo badan ayaa laga rifay islamarkaana hoos looga yareeyay kharashkii ay qaadan jireen waxaana si gaar ah loo sheegayaa in meelaha laga saaray kharashka Wasaaradaha ay ka mid yihiin waxa loo yaqaano kharashkii habeen dhaxa iyo miisaaniyaddo kale oo ay ku ladnaayeen Masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradduhu. Waxa sidoo kale laga soo sheegayaa in 40% hoos loo dhigay Shidaalkii Hay’addaha Dawlada isticmaali jireen.

Xigasho: Wargeyska Foore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here