Madaxwayanaha somaliland mudadaa uu xilka hayay waxqabad la taaban karo kama hayno

0
312

3 sanadood iyo 8 bilood iyo 28 maalmood oo dalka Madaxwayne ka ahaa Md Muuse Biixi Cabdi inuu istaratijiyad cad oo uu Qaran,ka ku hogaamiyo uu soo bandhigo ama haruumar iyo waxqabad la taaban karo oo ay bulshadu uga markhaati kacdo oo layidhahdo halkaasu wax qabtay kama hayno markii afar sanadood madaxa la galay ee uu waxqabad,ka xukumadiisu muuqan lahaana waxaynu ka haynaa Digreeto Dhukusaysa” maalintii uu kursiga fadhiistayna waxa laga hayay hadal hanjebaad ah oo wuxuu yidhi Fartiina ayaydun Eedi doontaan.ama Fartaydii eeday ayaa odhan doontaan” isaga oo u dhigaya inuu la hadlaayo dadkii u codeeyay iyo kuwii u ololeeyay”
balse aniga aragtidayda waxaan u arkaayay inuu hadalku intaa ka qoto dheeryahay oo waxa hadalkiisaa iigasoo dhex baxday maahmaahdii somaliyed odhan” jirtay Ninka Hooyadii ka guuray Habaryartii kuma negaado” markii waxa iisoo baxday ninka kuwii naf iyo maalba u huray u dhaaranaya ee u hanjebayaa ma kuwii kasoo horjeeday iyo dadka intiisa kale ayuu naf u hayaa?
Jawaabtu waa maya waxaa aan soo sheegayna shacabka iyo taariikhda ayaa ka markhaati ah ee majiraan wax aan anigu jeebkayga kalsoo baxay ee waa wax la wada ogyahay oo aa wada ogtihiin sidas daraadeed Dadka Reer Somaliland waxaan leeyahay aniga iyo intii ila aragti ahayd halkii 2017,kii aanu ka taagnayn hogaaminta Madaxwayne Muuse ayaanu ka taaganahay,e idinkuna wax waa aragtaane waar bal mar dambe uun fartiina ha eersanine mudada u ee 1sanadka iyo 3 bilood iyo 2 labadaa maalmood ahna doobir dhaha”
ilaahay,na khayr haynagu dhaafiyee waar hooy hooy Fartiina Fartiina yuu Qaranku eedine maalinta hadii ilaahay inagu simo fartiina Qaranku ha mahadiyo”
By Sacad Cali Kaahin Balaaki

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here