Madaxwayne Siilaanyo oo la kulmay Wefti ka socday Dalalka Dhaqaalaha ku Shuba Sanduuqa Horumarinta Somaliland

0
375

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Shalay Xafiiskiisa kulan kula yeeshay  wefti ka socday Dalalka Norway, Denmark iyo Netherland, kuwaas oo Dalka u yimid inay kormeeraan Mashaariicda horumarineed ee laga Maalgeliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo ay taageeraan Dawladaha Weftigu ka socdo.

Madaxweynaha oo kulanka uu la yeeshay Weftigaas ay ka mid ahaayeen Madaxa Hay’adda Caawimooyinka Demark ee Magaceeda loo soo gaabiyo DFID u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Phil Evans, Haweenay Magaceedu yahay Pauline Sheenan oo Madax ka ah Hay’adda Dhaqaalaha iyo Horumarinta Aadamaha ee Somaliland caawiya iyo Mr. Angus Miller oo ah la taliye, ku wehelinayey Wasiirrada, Arrimaha Dibeda, Dr Sacad Cali Shire, Qorshaynta Qaranka Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe), Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Duulista iyo Hawada Cismaan CabdilaahiSaxardiid (Caddaani)  iyo Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde.

Kulankan oo Saxaafaddu Dibadda ka joogtay, ayaa markii uu soo dhamaaday waxa Si wada jir ah Shir-jaraa’id u qabtay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland iyo Madaxa Weftiga Madaxweynaha la kulmay, waxayna faahfaahiyeen Ujeeddada kulanka Weftiga iyo Madaxweynaha.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Ujeeddada Weftigani uu Dalka u yimid waxay ahayd inay soo indho-indheeyaan Mashaariicda laga Maalgeliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo ay bixiyaan. Waxay soo mareen Mashruuc dhanka Biyaha ah iyo Mashruuc Waddooyinka ah, Runtiina aad iyo aad bay ugu faraxsanaayeen horumarka Mashaariicdaa laga sameeyay. Maantana (Shalay) waxay la kulmeen Madaxweynaha iyo Wasiirro kala duwan, waxayna ka wada hadleen Horumarka Sanduuqa, Abaaraha, Doorashooyinka iyo waxyaabo kale oo faro badan oo labadeenuba ay daneynayno.”

Pauline Sheenan oo ku hadlaysay Magaca Weftiga, ayaa sheegtay, “Waxaanu booqanay Mashaariicda laga Maalgeliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland, waxaanu soo aragnay dhismaha Waddooyinka iyo Dhismaha Beebabka Biyaha Qaada ee Hargeysa loo samaynayo, waxaanu rajeynaynaa in Mashaariicdaasi Midho dhalaan.” Ayay tidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here