Madaxwayne Silaanyo Oo Ururka Beelaha Gabooye U Gudbiyay Cabshooyinka 25 Sano Isbiirsaday Ee Waxba Laga Qaban

0
263

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Marka laga hadlaayo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dalkeenna Somaliland Siyaasadiisa cidda keliya ee ku dulman Siyaasadda dalka, waxa kaalinta koobaad aanay cidina ku haysan Beelaha Gabooye, kuwaasoo ka arradan dhabbaan waaxyaha kala duwan ee laamaha Dawladda, heer wasiir ilaa agaasime iyo Gudoomiye Hay’adeed

 

IMG_F91F1D-35C8FC-BBF906-1E2D34-B1DDDE-449A12

Marka laga hadlaayo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dalkeenna Somaliland Siyaasadiisa cidda keliya ee ku dulman Siyaasadda dalka, waxa kaalinta koobaad aanay cidina ku haysan Beelaha Gabooye, kuwaasoo ka arradan dhabbaan waaxyaha kala duwan ee laamaha Dawladda, heer wasiir ilaa agaasime iyo Gudoomiye Hay’adeed . sidoo kale waxa ay ka madhan yihiin dhamaan golayaasha qaranka Wakiilo iyo gole deegaan labadaba. Iyaddoo oo ay Beelahaasi golayaasha dalka ee heer Baarlamaan ilaa mid deegaan, magaalooyin iyo mid degmaba ka yihiin dibeda marka laga reebbo hal Mudane oo ay ku leeyihiin aqalka guurtida.

Haddaba, waxan ku xasuusinayaa Md. Madaxweyne inay tahay Beelaha Gabooye Cidda kaliya ee dulman ee Maanta ka sugeysaa inaad wax u qabaato oo aad Golayaasha dalka ka siiso Kuraas kooto ahi waa Beelaha Gabooye. Md. Madaxweyne ma jirto cid kale oo ay dadkaasi sugayaan, tusaale ahaan Md. Madaxweyne Beelahini waxba kama sugayaan Baarlamaanka dalka oo muddo dheer uu horyaalay Xeerk saami qaybsiga kuraasta aqaalka wakiiladdu, wax’se Beelaha aad madaxweynaha u tahay ee Gabooye ka sugayaan inaad awoodaada ugu hiiliso oo siiso kuraas kooto ah, maadaama oo ay awoodi waayeen inay qaab doorasho ama qaab siyaasadeed oo kaleba kaga qayb noqdaan saldhigyadda Hay’addaha qaranka.

Hadii aad tallaabada qaado oo fuliso Kootada Gabooye waxa hubaal ah Md. Madaxweyne inaad noqon doonto shaqsi taarikhdu qori doonto, oo sida Halgamayaasha aduunka ee la dagaalamay nacaybka Jinsiga ama midab takoorka oo kale laga reebi doono Bugaag iyo mahadhooyiin cadaaladaada tilmaama oo ku gala taarikhda ka hadha aadamaha ee baaqiga ah. Madaxweyne waxaad ka warqabtaa in beelaha saamiga hadda rabbaa inay ku jiraa golaha xukuumadaada iyo golayaasha kala duwan ee qaranka.

Md. Madaxweyne waxan ku boorinayaa inaad si gaar ah u tixgeliso Codsiyadda joogta ah ee uu kusoo gudbiyo Ururka u dhaqdhaqaaqa xornimada Beelaha Gabooye ee VOSOMWO, kaasoo si asluub iyo anshax ka muuqda mar kastaa kugu soo gudbiya cabashooyinka, kuna xasuusiyaa inaad wax u qabaato beelaha Gabooye oo kamid ah Bulshadda aad Madaxweynaha u tahay, isla markaana ah dad badan oo ku nool gobolkastaa iyo degmo wal oo Somaliland leedahaybaa. Madaxweyne waxan kugu ducaynaynaa inuu ku garansiiyo wanaaga iyo samaha oo ku toosiyo dariiqa cadaaladda, oo aad noqoto mid dadka dulman ee Gabooye xuquuqdoodii usoo dhiciyaa, Insha alla waad ku dhaqaaqin oo waxaad siin doonta wax u qalmaa.

Qalinkii

Cabdifataax Cali Faarax

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here