Madaxwaynuhu xaq wuu u leeyahay inuu marlabaad tartamo laakiin wadada uu u marayo waan dhaliilay

0
285

Madaxwaynuhu xaq wuu u leeyahay inuu marlabaad tartamo laakiin wadada uu u marayo waan dhaliilay
===== ========= ============
Doorashadii dhacday 2017 wax lagu ololeeyay qabyaalad gaar ahaan labada xisbi ee wadani iyo kulmiye waxaanay inagu keentay in ay dhegeheena mudo dheer ka dhexguugdo la hadlimaayo xisbiga dhacay ee waxaan la hadlayaa xisbiga soo baxay ee kulmiye

Waxaan islahaa muuse waa hogaamiye oo wuxuu umada ku jihaynayaa dariiq lagag gudbo qabyaalada iyo reer hebelow ayaamahan waxaan maqlayaa madaxwaynuhu wuxuu isagu yeedhay reerkiisii oo hoos wax ugu sheegay

Madaxwayne dalka lexejecladiida eega oo maaha inaad halkii inagu celiso oo hadii shacabkii aad shansano ku kasbanwayday quluubtooda oo lagugu qasbiwaayay inaad is sharaxdo adigu dadka ha qasbin oo kuwii aad u mahadnaqiwayday ee fartooda eeday dhaqaalaha dalka ha ku kasban

Dadkana waxaan leeyahay shacaboo codkiina ha ku doonina waxyeeladiina ee u codeeya horumarkiina

Hogaamiyuhu uma baahna qabiil ee jaanisbuu u baahanyahay uu shacabka wax ugu sheego dhaqaaluhu wuxuu dalkeena ku wadaa meel ayaynaan dalkaba wadayeelan ee aynu u qaybsano dabaqado isku dulnool goortaynu baraarugnaana way dheertay laakiin waxa meesha ka baxaysa wadaniyadii iyo daljacaylkii oo kii doolar haytaa loo yaqaan inuu wadanigii waxdheeryahay
Hadii daljacayl meesha ka baxo difaacii dalku meesha wuu ka bixi
Muwaadin dalkaaga ka feker
Wabilaahi tawfiiq

Cali cismaan xuseen .cali guray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here