Madaxweynaha La Doortay oo Booqasho Salaan Iyo Maamuus ah Ugu Tegay Madaxweynaha Talada Haya

0
379

Hargeysa( Ceelgardinews.com)-Madaxweynaha shacabka reer Somaliland doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa socdaal booqasho iyo salaan ah ugu tegay madaxweynaha waqtigan talada dalka haya Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Madaxweynaha shacabku doortay Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan xubno kamid ah hoggaanka KULMIYE, maayarka Caasimadda, Wasiirro, xildhibaanno iyo haldoor kale oo bulshada ah, ayaa maanta booqashadiisa salaanta ah ugu tegay madaxweynaha xilka haya Md. Axmed Siilaanyo oo xafiiskiisa shaqada ku sugnaa, iyada oo madaxweynaha talada hayaa si weyn halkaas ugu soo dhaweeyey madaxweynaha bulshadu dooratay ee dhawaan xilka uu hayo ka beddeli doona.


Madaxweynaha cusub ee bulshadu dooratay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn si weyn madaxweynaha xilka haya ugaga mahadnaqay doorkii lama ilaawaanka ahaa ee uu ku lahaa guushii uu kasoo hooyey doorashadii madaxtinimada ee dalka ka qabsoontay dhawaan oo uu shaaciyey in ammaanteeda ay iska leedahay xukuumadda uu hoggaamiyaa, waxana uu ballan ku qaaday inuu gebi ahaanba bulshada reer Somaliland si odoytinimo leh isugu wadi doono.


Madaxweynaha xilka Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isaguna si kal iyo laab ah u hambalyeeyey madaxweynaha shacabku doortay, waxana uu ilaahay uga baryey inuu xilka ufududeeyo, isaga oo xusay inuu kalsooni badan ku qabo shaqadiisa iyo waxqabadkiisaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here