Madaxweynaha Turkiga Oo Tilifoon Uga Tacsiyeeyay Qoyska Suxufigii Lagu Qashay Safaarada Suuudiga Ee Istanbul Una Balan Qaaday Inuu Xogta Rasmiga Ah Ee Dilkaas La Xidhiidha Soo Bandhigi Doono

0
271

Itanbul ( Ceelgardinews.com )- warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in Madaxweyne Erdogan khadka Telefoonka kula xidhiidhay Qoyska Saxafigii Sacuudiyaanka ahaa ee la dilay ee Jamaal Khashoggi.

Erdogan waxa uu Qoyska Jamaal Khashoggi uga tacsiyeeyey dilkaasi oo ay xubno ka tirsan ku dileen gudaha Qunsulliyada Sacuudiga ee magaallada Istanbul.

Erdogan ayaa qoyska Jamaal u sheegay inay heli doonaan warbixino xaqiiq ah oo ku saleysan dilka aabahood iyo shaqsiyaadka ka danbeeyay dilkiisa.

Dhinaca kale, Erdogan waxa uu qoyska u balanqaaday inay ka garab istaagi doonaan dhan waliba, isla markaana falka dilka uu yahay mid ay geesatay Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here